Home Wararka Maanta Maxkamadda gobolka Banaadir oo soo saartay baafin ay ku wargelinayso shirkad ajnabi...

Maxkamadda gobolka Banaadir oo soo saartay baafin ay ku wargelinayso shirkad ajnabi ah

0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay baafin ay ku wargelinayso shirkad ajnabi ah, oo ay soo eedeeysay xeer ilaalinta qaranka.

Shirkadan oo lagu magacaabo Automative Management Services (AMS) ayaa loo haysta “inay galeen dambi bixin la’aan canshuur ku waajibtay ganacsigooga, bixinta cadeymo been abuur ah iyo marin habaabin, iyo weliba ganacsi sharci darro ah oo aan ahayn kii ay shatiga u haysteen.”

Sidoo kale waxay shirkad ajnabiga ah kusoo eedeysay xeer ilaalinta ku xad-gudubka shuruucda dalka iyo denbi lacag dhaqis, sida lagu shaaciyay warqadda baafinta ee kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir.

“Maxkamaddu waxay baafinaysaa kuna wargalinaysaa Shirkadda Automative Management Services (AMS) oo ah shirkad ganacsi oo ajnabi ah, taasi oo dacwad ciqaab ah oo ay dhinac ka tahay ka furan tahay maxkamadda gobolka Banaadir, uuna kusoo eedeeyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Maxkamaddu waxay ku wargelinaysaa shirkadda sare ku xusan in ay ku hortimaado maxkamadda muddo soddan (30) maalmood gudahood ah, oo ku eg Tr. 10/06/2024, si ay iskaga difaacdo eedda uu kugu soo eedeeyay xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.”

Masuuliyiinta shirkadan ajnabiga ah ee loo haysto ganacsiga sharci darada iyo inay ku xad-gubeen shuruucda dalka ayaa waxay maxkamadda fartay inay dhowraan waqtiga loo muddeeyay, haddii kale ay maxkamadda qaadi doonto dacwadda iyaga oo maqane ah.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleMarwo Catriona Lainga oo Si Wayn loogu soo Dhaweeyey Dhuusamareeb(Sawiro)
Next articleIlhaan Cumar oo Markale Guul Cajiib ah ka gaartay doorashada xisbiga dimuquraadiga ah