Home Wararka Maanta Maxkamadda Ciidamada oo Goordhow toogatay Cabdi Shakuur iyo Cabdi Jamaal Horay U...

Maxkamadda Ciidamada oo Goordhow toogatay Cabdi Shakuur iyo Cabdi Jamaal Horay U Dilay Askar iyo Shacab

0

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo horay u geystay dilal bareer ah.

Labada askari ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud iyo Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle, kuwaas oo ugu dambeyn saaka qasaasta lagu fuliyay.

Cabdi Jamaal ayaa horay u dilay marxuum Cabdi Xakiim Khaliif Maxamuud, waxaana Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay sheegtay in uu dhac geysanayey

Sidoo kale Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud ayaa isna horay u dilay askari kale oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka Booliska, kaas oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Shire.

Maxkamadeynta labadaan askari ayaa soo martay heerar kala duwan, ayada oo horay loogu riday xukunka dilka ah ee saaka lagu oofiyay, kadib markii lagu helay caddeymo.

Dhinaca kale Maxkamadda Ciidamada ayaa soo saartay digniin cusub oo ku aadan askarta dilalka ka geysata Muqdisho, waxayna sheegtay in laga qaadi doono tallaabo adag.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaana ugu dambeeyay Qaasim Ducaalle oo ka tirsanaa ciidamada qaada Canshuuraha, kaas oo Xamarweyne wax ka yar 25 sinti ugu dilay marxuum Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo).

Sidoo kale waxaa isla maalintaas Qaasim lala toogtay Xasan Juulle Shaakir oo isna ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya, kaas oo isna dil bareer ah u geystay marxuum Cali Taliye Cariif oo ahaa wade Mooto Bajaajle, kaas oo  ka dhacay degmada Balcad ee Sh/Dhexe

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday, taas oo aad loo dhaweeyay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMareykanka oo Cadeeyey Sababta uu U Diiday dhowr codsi oo uga yimid Ciidamada Dowlada Soomaaliya
Next articleGalmudug oo Digniin Adag udirtay Puntland oo Faragalin Qaawan ku Haysa Maalmahaan