Home Wararka Somaliya Somaliland Maxkamada Maroodi jeex oo u Ku Dhawaaqday Xukunkii Cabdimalik Muuse Coldoon

Maxkamada Maroodi jeex oo u Ku Dhawaaqday Xukunkii Cabdimalik Muuse Coldoon

0

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ayaa maanta ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo bilooyin ah xirnaa.

 

Hase yeeshee Xeer ilaalinta dacwada ku soo oogtay Coldoon ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka maxkamadu ay gaartay.

Weriye Cabdi Maalik ayaa xabsiga ku sii jiri doona tan iyo inta go’aan laga gaarayo racfaanka xeer ilaalinta.

 

Coldoon ayaa lagu soo oogay dambiyo ay kamid yihiin in uu bartiisa Facebook uu ku faafiyay warar dacaayad iyo been abuur ah oo ka dhan ah iskuulka Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo.

Dacwada kale ee lagu soo oogay Cabdimalik ayaa ah in uu cambaareeyay umadda Soomaaliland iyo qaranimadeed.

Qareenkii u doodayay Cabdimaalik Muuse Coldoon Jamaal Mandeela ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay kiiska ku guuleysteen.

Inta aanan la xirin ka hor , Coldoon wuxuu maalmahaa qaaday ollole ka dhan ah Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa iyo dugsiga Abaarso.

Ad
Previous articleRaysulwasaare Rooble Oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay Kadib Maalmo uu Imaraadka Joogay
Next articleDeg deg Maraykanka Ku Dhawaaqay in la Khaarijiyay Hogaamiyihi Daacish