Home Wararka Maanta Maxkamad xukun ku riday rag loo heysto geerida 298 qof oo la...

Maxkamad xukun ku riday rag loo heysto geerida 298 qof oo la socday dayuurad la soo riday

0

Maxkamad ku taalla dalka Holland ayaa xukuntay saddex nin oo maqane ah oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen soo rididii Diyaaraddii Malaysia Airlines ee MH17, taasoo ku burburtay dalka Ukraine sannadkii 2014-kii, iyadoo ay ku dhinteen dhammaan 298 rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda.

Saddexda nin oo labo ka mid ah ay u dhasheen Ruushka iyo mid u dhashay dalka Ukraine ayaa lagu xukumay xabsi daa’in. Waxaa hadda loo malaynayaa inay ku sugan yihiin Ruushka ama ay ka barbar dagaalamayaan ciidamada Ruushka ee ku duulay Ukraine.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Boeing 777 ayaa ka soo duushay Amsterdam kuna sii jeeday Kuala Lumpur markii la soo riday 17-kii July 2014, bilihii hore ee dagaalka u dhexeeya fallaagada uu Ruushka taageero iyo ciidamada Ukraine ee ka socda gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Meydadka rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda ayaa laga helay beeraha gabbaldayaha ee ku xeeran tuulada yar ee Hrabove, oo u dhow xudduudda Ruushka.

Dadka dhintay oo u badnaa Dutch, ayaa ka soo kala jeeda 17 wadan. Waxaana ku jireen 80 carruur ah.

Qaybo ka mid ah gantaalkii uu Ruushka sameeyay ee lagu garaacay diyaaradda ayaa waxaa si xamaasad leh u soo saaray baarayaal caalami ah. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in gantaalka laga soo riday dhulka ay gacanta ku hayaan mucaaradka uu taageero Ruushka

Maxkamadeyntu waxay bilaabatay Maarso 2020. Saddex qof ayaa lagu helay dambi ah dil wadareed iyagoo ka soo iibiyay gantaalka Buk ee Ruushka si uu u soo rido diyaaradda waxayna kala yihiin: Igor Girkin kornayl hore oo ka tirsan Adeegga Amniga Federaalka ee Ruushka, ama FSB; ku xigeenkiisa, Sergey Dubinskiy; iyo Leonid Kharchenko oo u dhashay Ukraine.

Garsooraha maxkamadda, Hendrik Steenhuis, ayaa xukunka kaga dhawaaqay maxkamadda ku dhow garoonka diyaaradaha ee Schipol ee Amsterdam.

Garsooraha ayaa sidoo kale sheegay in bartilmaameedka la rabay uu ahaa diyaarad militari.

Eedeysanaha afaraad, Oleg Pulatov oo u dhashay Ruushka – oo ah qofka kaliya ee soo bandhigay difaac dacwadda qareennada Dutch-ka – ayaa laga saaray dhammaan eedeymaha ka dib markii lagu waayey wax dembi ah. iyaddoo Raga la xukumay midkoodna uusan joogin maxkamada.

Tuhmanayaasha midkoodna laguma eedeyn inuu dhab ahaantii riday gantaalka. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in diyaaradda Buk iyo shaqaalaheeda ay ka yimaadeen saldhig milatari oo Ruushku leeyahay ayna dib ugu laabteen halkaas markii la toogtay diyaaradda.

Garsoorayaashu waxay dhegeysteen caddaymaha isgaadhsiinta la dhagaystay ee tuhmanayaasha, waxay dib u eegeen caddaymaha dambi baarista ee goobta, waxayna arkeen dib u dhiska safarkii gantaalaha ee Ruushka iyo Ukraine oo laga soo saaray muuqaallo iyo akoonnada warbaahinta bulshada.

Ruushka ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa soo rididii diyaaradda MH17, wuxuuna marar badan soo bandhigay sheegashooyin kale oo been abuur ah, oo ay ku jirto in Ukraine ay soo ridday diyaaradaas

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMareykanka oo qaatay go’aan ka farxiyey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan
Next articleSarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Milateriga Soomaliya oo Muqdisho lagu Dilay