Home Wararka Maanta Maxay yihiin faa’iidooyinka Soomaaliya ugu jira ka qeyb noqoshada Urur Goboleedka Bulshada...

Maxay yihiin faa’iidooyinka Soomaaliya ugu jira ka qeyb noqoshada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrik oo maantay Ku biirtay?

0

Soomaaliya ayaa maanta si buuxda uga mid noqotay Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, kadib codeyn loo qaaday.

Soomaaliya ayaa noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, kadib muddo ay dowladda dadaal xooggan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon laheyd EAC.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda ururkaan.

Haddaba, Maxay yihiin faa’iidooyinka Soomaaliya ugu jira ka qeyb noqoshada ururkaan?

Ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay kamid yihiin;

1. Fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed.

2. Isu socodka bulshada ku mideysan EAC, iyagoo aan u baahneyn dal ku gal. Sidoo kale helitaanka Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika.

3. Ganacsatada Soomaaliyeed oo sharci buuxa u helaya ganacsiga iyo hantida ka jirta dalalkaasi, dadkeenuna ugu ganacsadaan walwal la’aan.

4. Soomaaliya waxa ay heli doontaa fursado ay badeecadda ugu iib-geeyaan dalalkaas, oo aan canshuur kale laga rabin.

5. Xaquuq ganacsi iyo mid bulsho oo heer gobol ah.

6. Ganacsatada Soomaaliyeed oo iyagu isaga kala gooshi doona dalalka qeybta ka ah Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

7. Kobaca dhaqaalaha oo ay Soomaaliya ka helayso suuqa weyn ee EAC.

8. Iskaashiga khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleHay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo hambalyo u Dirtay Shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah ee……
Next articleMid kamid ah Musharixiintii Madaxweynaha Soomaaliya oo Safiir loo magacaabay