Home Wararka Maanta Maxay u Diideen Dhaarta Ciidamadii Xildhibaanada Noqday?

Maxay u Diideen Dhaarta Ciidamadii Xildhibaanada Noqday?

0

Taliyeyaasha ciidamada Asluubta iyo iyo NISA ee ka mid noqday golaha shacabka ayaan ka qeyb galin dhaarintiio xubnaha labada aqal ee Baarlamanka oo shalay ka dhacday Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho

Taliyaha KMG ah ee

Taliyaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey oo laga soo doortay Galmudug ayaa qaatay shalay shahaadada xildhibaanimo balse kama qeyb gelin dhaarta xubnaha labada aqal.

Sidoo kale, Taliyaha ciidanka Asluubta Gen Mahad C/raxmaan Aadan oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka yimid Baydhabo ayaan shahaadana qaadanin, dhaartana ka qeyb gelin.

Labada sarkaal ayaa haddii ay dhaartaan noqonaya Xildhibaano rasmi ah taasoo haddii ay dhacdo ay si toos u weyn doonaan labada xil ee ay kala hayaan maadaama xildhibaanada aan loo ogoleyn iney qabtaan wax ka yar xil wasiir, taliyeyaashuna darajo ahaan waxay ka hooseeyaan wasiirada taas ayaana keentay iney dhaarta dib isaga dhigaan.

Labadan sarkaal ayaa ka mid ah xubnaha ku dhow Farmaajo, waxaana haddii ay dhaartaan ay ka dhigan tahay iney waayeen xilalkooda taasina waxay abuuri kartaa in xaalad hogaan la’aan ah oo labada heyadood soo wajaha maadaama aan la magacaabin xubnihii bedeli lahaa.sidaas awgeed waxay doorbideen iney xilalkooda sii heystaan.

Yaasiin Farey oo laga soo doortay Galmudug ayaa qaatay shalay shahaadada xildhibaanimo balse kama qeyb gelin dhaarta xubnaha labada aqal.

Sidoo kale, Taliyaha ciidanka Asluubta Gen Mahad C/raxmaan Aadan oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka yimid Baydhabo ayaan shahaadana qaadanin, dhaartana ka qeyb gelin.

Labada sarkaal ayaa haddii ay dhaartaan noqonaya Xildhibaano rasmi ah taasoo haddii ay dhacdo ay si toos u weyn doonaan labada xil ee ay kala hayaan maadaama xildhibaanada aan loo ogoleyn iney qabtaan wax ka yar xil wasiir, taliyeyaashuna darajo ahaan waxay ka hooseeyaan wasiirada taas ayaana keentay iney dhaarta dib isaga dhigaan.

Labadan sarkaal ayaa ka mid ah xubnaha ku dhow Farmaajo, waxaana haddii ay dhaartaan ay ka dhigan tahay iney waayeen xilalkooda taasina waxay abuuri kartaa in xaalad hogaan la’aan ah oo labada heyadood soo wajaha maadaama aan la magacaabin xubnihii bedeli lahaa.sidaas awgeed waxay doorbideen iney xilalkooda sii heystaan.

Ad
Previous articleUkraine oo Gantaal ku burbursisay Markab Dagaal oo Ruushku lahaa (Sawirro)
Next articleMadaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo gaaray Caabudwaaq (Sawiro)