Home Wararka Maanta Maxay tahay ‘Jabhadda’ uu sheegay Madaxweyne Biixi in ay ka soo hadashay...

Maxay tahay ‘Jabhadda’ uu sheegay Madaxweyne Biixi in ay ka soo hadashay Jabuuti?

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland oo Kulan la qaatay qaar kamida masuuliyiinta, iyo hugaan dhaqan oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa qudbad uu jeediyay kaga hadlay wax uu ku tilmaamay ‘jabhad’ oo “Jabuuti kaga dhawaaqay in ay xoreynayaan gobolka Awdal”.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay “in Somaliland aysan fileyn in arinkaasi lagaga dhawaaqo Jabuuti balse ay ku xallinayaan gudaha Somaliland”.

“Malmahan waxaynu arkeynay qolo jabhad ah oo Jabuuti ka dhex hadleysa oo leh Awdal beynu xoreyneynaa, halkaa taa kama fileynin haddeyse talo taa ka noqotay wixii ka dhasha ee guud weynu arki doonnaa”, ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Muuse Biixi ayaa sido kale sheegay “In siyaasiyiinta Somaliland ay ka mideysanyihiin mabda’a Somaliland balse ninkii aragtidiisu ay taa ka duwanaato uu yahay mid soo raaca cadawga sida uu hadalka u dhigay”.

Maxay tahay ‘jabhadda’ uu Biixi afka ku dhuftay?

Sida ay ku baahiyeen baraha bulshada, waxaa jira rag sheegay in ay deegaan ahaan ka soo jeedaan gobolka Awdal oo ka soo horjeeda go’aanada madaxweyne Biixi qaar, sida heshiiskii isfagaradka ahaa ee xukuumadiisu la gashay dawladda Itoobiya.

Iyaga oo wafdi ah ayay ragaas qaarkood tageen dalka Jabuuti, waxaana sida ay muujinayaan sawiro ay iyagu baahiyeen ay tageen safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti, iyaga oo la kulmay safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Salaad Cali Jeelle.

Sidoo kale isla sida ay baahiyeen ragaasi waxay horay u booqdeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ragaani waxay mar walba sheegaan in aysan ogolayn in dhul xeebeen laga kireeyo dawladda Itoobiya, balse marna ma aysan sheegin in ay Jabhad yihiin iyo in kale.

Gudaha gobolka Awdal iyo deegaanada kale ee jira xadka Jabuuti iyo Somaliland ayaysan ka jirin kacdoon muuqda iyo xiisad taagan midna, sida ay noosheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay.

“Gudaha Awdal aniga ayaa hadda jooga oo xiisadi ma jirto, mana jirto koox is abaabushay,” ayuu yiri aqoonyahan ku sugan Awdal oo ka gaabsaday in aan magaciisa baahino.

Balse waxaa jira rag deegaan ahaan ka soo jeeda Awdal oo ilaa saddex kooxood ah inta laga ogyahay oo sheegaya in ay ka soo horjeedaan go’aamada madaxweyne Biixi ee ku aadan heshiiskii lala galay Itoobiya, Inkasta oo ay u egyihiin ragaani kuwa leh u jeedo siyaasadeed, sida ay qabaan dadka qaar ee ka faalooda siyaasadda.

“Sddexda garabba wey tageen Muqdisho oo la kulmeen wasiir Fiqi wey is garab socdaan, hase yeeshee waa isku aragti”, ayuu sii raaciyay aqoonyahanka ku sugan Awdal ee BBC da la hadlay.

Dawladda Jabuuti oo aan isku daynay in aan wax ka waydiino eedda uu u soo jeediyay madaxweyne Biixi ayaysan noo suuragalin in aan helno.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleVilla Soomaaliya oo Qorshe Cajiib ah U Dagtay Baarlamaanka Soomaaliya Xili Sabtida La furaayo
Next articleJabuuti oo ka jaawabtay eedayntii ‘jabhadda’ ee uga timid Somaliland