Home Wararka Maanta Maxay tahay diyaaradda aan duuliyaha laheyn ee markii ugu horreysay ay heleen...

Maxay tahay diyaaradda aan duuliyaha laheyn ee markii ugu horreysay ay heleen ciidamada Gorgor?

0

Dhawaan Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee gorgor ayaa shaaciyay in ay heleen markii ugu horreysay diyaarad nooca drone-ka ah ee aan duuliyaha lahayn oo lagu magacaabo “TOGAN”.

War qoraal ah oo lagu shaaciyay barta Facebook ay ku leeyiiin ciidamada Danab, ayaa lagu sheegay in diyaaraddan ay soo saartay xaruunta Defence Technologies Engineering and Trade ee dalka Turkiga.

Diyaaraddan ayaa la tilmaamay in ay ka caawin doonto ciidamada helidda xogaha dahsoon ee muhiimka u ah howlgallada dhanka sirdoonka.

“UAS TOGAN waxay leedahay nidaam kontorool duulimaad oo gaar ah oo loogu talagalay sahminta heerka taatikada, ilaalinta iyo howlgallada sirdoonka,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay barta Facebook ee ciidamada Danab ‘Special Force,.

Sidoo kale diyaaraddan la’ siiyay ciidamada Soomaaliya, ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ogaan karta waxyaabo aaney awood u laheyn in ay ogaadaan diyaaradaha kale ee aan duuliyaha laheyn.

Tijaabooyin dhanka howlgallada ah oo lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in xilliyada habeenkii iyo maalintii ay si isku mid ah u shaqeyso, marka ay timaddo xagga aragtida iyo helidda waxa qarsoon.

“Diyaaradda caalamiga ah ee UAV, TOGAN, waxay arki kartaa wax aan la arki karin, iyo wax aysan ogaan karin diyaaradaha drooniska kale,” sidaas waxaa lagu sheegay warka ka soo baxay ciidamada.

Waxyaabaha ay gacan ka gaysan karto diyaaraddan waxaa ka mid, xeeladaysiga howlgallada iyo aagagga aan laheyn aaladda GPS-ka.

Waxtarka diyaaradda iyo wax ay u soo kordhin karto ciidamada

Diyaaradaha ay horey u haysteen ciidamada dowladda oo ah kuwa aan duuliyaha laheyn ayaa la sheegay in diyaaraddan ay kaga duwantahay oo kaliya dhanka masaafada ay gaarayso iyo inta kiiloo mitir ee ay socon karto ama ay hawada ku jiri karto.

Taliyahii hore ee ciidamada dhulka Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in diyaaraddan ay heleen hadda ciidamada gorgor ay wax tar weynu leedahay ciidanka iyo howgalladooda.

“Runtii waxtar weyn ayay u leedahay ciidamada, sababtoo ah habeenkii oo dhan waxaa laga yaabaa inta betariga loo kala badalaya mooyaane inta kale in ay hawada ku jirto,” Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi.

Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa meesha ka saaray in aysan aheyn markii ugu horreysay oo diyaarad noocaan ah ciidamadu helaan ama ay soo iibsadaan maadama sida uu sheegay aaney qarash badan-ba joogin marka laga hadlo qiimaha lagu iibsan karo.

Wuxuu sheegay in diyaaradaha caynkaan oo kale ah oo ciidamadu horey u haysteen, ay gaari jireen dhanka masaafada ilaa Lix kiiloo mitir halka tani ay intaa ka badantahay.

Hase yeeshee taliyahii hore ee ciidanka dhulka Jenaraal Biixi ayaa intaa ku daray in diyaaraddan ay faa’iido badan u leedahay ciidamada marka la’ eego xagga xogta xiliga ay shaqeynayso iyo aagga loo adeegsan karo oo ah dhulka howdka ah.

Jeneraal Biixi oo BBC-da u warramay ayaa sheegay: “Waxay soo sheegaysaa dhaqdhaqaaq kasta oo ah inta ay masaafadeedu gaarto, oo dhulka howdka ah inta badan, wax Allaa waxa ku dhex jira oo dhan way soo sheegaysaa,”.

Isagoo hadalkiisa si wata ayuu Jeneraal Biixi yiri:, “Hubka ciidanka, tirada ciidanka, qaabka difaacu u sameysanyahay ciidanku inuu soo socdo iyo inuu difaac ku jiro , waxaas oo dhan ayay si dhab ah uga warramaysa oo looga daawanayaa,”.

Qaybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jira xilligaan Al-shabaab, oo haysta deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana khuburadu aaminsanyihiin in saanad kasta oo waqtigaan ay dowladdu hesho ay ka caawinayso dagaalka iyo horumarrada ay dowladdu ka gaari karto isku dhacyada kala dhaxeeya Shabaab.

Ad
Previous articleCiidanka Israel oo askartii ugu badneyd looga dilay dagaalka ka socda Gaza
Next articleMarkab ku degay Xeebaha Jabuuti ka dib Gantaal ay la heleen Xuutiyiinta (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here