Home Wararka Somaliya Somaliland Maxay tahay dacwadda laga gudbiyay Xildhibaan Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada...

Maxay tahay dacwadda laga gudbiyay Xildhibaan Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland?

0

Xeer ilaaliyaha guud ee jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ayaa Golaha Wakiillada ka dalbaday in ay xil ka xayuubin ku sameeyaan xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golahaasi.

Eedaha loo jeediyay xildhibaanka waxaa ka mid ah, in mas’uuliyiin ka Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha Ciidamada somaliland uu ka hadlay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil, oo BBC-da la hadlay ayaa qiray in warqaddaasi ay soo gaartay Shir-gudoonka Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa tagay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti dabayaaqadii bishii May. Mar uu u warramayay telefishin lagu magacaabo MMTV, oo xaruuntiisu tahay magaalada Hargeysa wuxuu u sheegay in Jabuuti uu Passapor u doontay.

Intii uu Jabuuti ku sugnaa xildhibaanku wuxuu bartiisii Facebook, soo dhigay, sawir isaga iyo wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaleh ah, isagoo ku soo dul qoray war qayb ka mid ah ay sidaan u dhigneed; “Waxa kale oo aan Wasirka kawada hadalnay halka ay marayso Hawsha jid iska xidhi doona Somaliland iyo Djibouti. Imikana wuxu iisheegay Inuu ku hawlan yahay dardargalinta bilawga jidka labada dal isku xidIntii uuhi doona,”.

Xildhibaan Abiib ayaa BBC-da u xaqiijiyay in ay jirto dacwadda laga gudbiyay hase-yeeshee wuxuu ka gaabsaday in uu hadda nooga warramo oo faahfaahin dheeri ah naga siiyo sida wax yihiin.

Sharciga iyo waxa uu ka qabo eedahaan oo kale.
Golaha wakiillada SomalilandXIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK
Qaar ka mid ah Khuburada sharciga ayaa sheegaya in marka la eego eedda xildhibaanka loo jeediyay ee xeer-ilaalintu dalbatay in maamus ka xayuubin lagu sameeyo ay u baahantahay in qodobbada la faah-faahiyo isla markaana si dhab ah loo ogaado waxa ay salka ku hayaan.

Maxamed Cabdi Afyare, oo ah sharci-yaqaan ayaa qaba in tusaale ahaan qodobbada lagu soo eedeyay, Mr Abiib sida inuu la kulmay xubno ka tirsan safaaradda Soomaaliya ay Jabuuti ay tahay in la ogaado waxa uu kala hadlay iyo faahfaahintooda, iyo in arrinta ciidamada Somaliland qudheeda la eego qaabka uu uga hadlay, isagoo intaa raaciyay in uu xaq u leeyahay xildhibaanku arrimaha ciidamada in uu ka hadlo.

“Arrimahaas kaligood kuma filna in xildhibaan lagu soo eedeyo si xasaanadda looga qaado, arrimahaasi waxay u baahanyihiin ciidanka qaranka sida uu uga hadlay, ma siyaasadda lagu maamulyay ayuu dhaliilay,taasna xildhibaanku xaqbuu u leeyahay inuu ka hadlo,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Afyare oo ah sharciyaqaan.

Maxamed ayaa intaa raaciyay: “Tan labaad safaaradda uu la kulmay muxuu kala hadlay ayaa meesha imaaneysa, maxaa la iska waraystay, maxaa ka soo baxay, ma wax qaranimada liddi ku ah, taa lafteedu waxay u baahantahy faahfaahin,”.

Mr Afyare ayaa sidoo kale sheegay in sharcigu uu qabo in xil ka qaadista lagu sameeynayo xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada ay u baahantahay sidoo kale ogolaanshaha golaha.

Si guud waxaa muuqata in arrintaan goluhu ku kala aragti duwanyahay, xilli weliba goluhu uu fasax ku maqnyahay. Cali Xaamud guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiillada Somaliland ayaa muujiyay in shir-guddoonku aaney arrtintaan isku aragti ka aheyn. Waxaa kale oo uu sheegay in marka goluhu fasaxa ka soo laabto in iyagu ay xaq u leeyihiin in ay ka hadlaan.

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo khilaaf uu ka dhex jiro Somaliland iyo Jabuuti kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku eedeyay Jabuuti in ay ogolaatay in gudaha dalkeeda ay jabhad uga soo hanjabto Somaliland, taa oo madaxda Jabuuti ay ku tilmaameen arrin aan jirin oo ka fog xaqiiqda, waxaana ay Jabuuti ku adkeysatay in ay u taagantahay ka shaqeynta nabadda guudahaan geeska Afrika.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Galmudug oo War kasoo Saartay Hubkii lagu boobay Caabudwaaq
Next articleGalmudug oo Shaacisay Talaabada Xigta oo ay Qaadi Doonaan Kadib Go,aankii Xalay kasoo baxay ee Hubkii lagu Boobay Caabudwaaq