Home Wararka Maanta Maxay siday Diyaaradii ay Duliyihii iyo Qofka kale ka duulee ee Alshabaab...

Maxay siday Diyaaradii ay Duliyihii iyo Qofka kale ka duulee ee Alshabaab ugashay?

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta diyaarad milatari oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ay ku dhacday deegaan ay maamulaan Al-Shabaab oo ku yaalla gobolkaas, kadib cilad soo wajahday.

Diyaaradda oo ahayd Helicopter ayaa lasoo wariyay inay ku dhacday aagga deegaanka Kunyo-barrowe oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana la socday duuliyaha iyo laba nin oo kale, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddexda qof ee saarnaa diyaaradda ay ka bad-baadeen shilka, iyaga oo ka booday diyaaradda markii ay ciladda dareemeen.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale ku warramay in duuliyaha iyo labada nin kale ay u baxsadeen dhanka xeebta, halkaasina ay ka raaceen doon ay uga baxsadeen Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadan diyaaradda ku dhacday deegaaka Kunyo-barrow ee gobolka Jubbada Hoose.

Kenya ayaa ka qayb-qaadata dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba, ma’aha diyaaraddii ugu horreysay oo ku dhacda dhul ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana dhacdooyin soo laa laabtay oo su’aallo iyo shaki xoogan dhaliyay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Sadex Dagaal oo Maantay Dhacay iyo Alshabaab oo Hal mid guul ka Gaaray hub badana ku qabsaday
Next articleItoobiya oo Lagu Dhawaaqay inay noqoto Dalka ugu badan Ciidamada Jooga Soomaaliya iyo Masar oo laga saaray..