Home Wararka Maanta Maxay Puntland Ka Tiri Warkii Xasan Shiikh ee ahaa inuu Lahadlaayo Deni...

Maxay Puntland Ka Tiri Warkii Xasan Shiikh ee ahaa inuu Lahadlaayo Deni iyo Axmed Madoobe?

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ee khilaafku uu kala dhaxeeyo ay ka dowlad federal ahaan kala hadlayaan tabashadood, horreyna ay ula hadleen.

madaxweynaha waxa uu rajo ka muujiyay in is mari-waaga jira uu meesha ka bixi doono, maadama sida uu sheegay mas’uuliyiintaan ay horey qayb uga ahaayen go’aanno masiiri ah oo dalka lagu hoggaamiyay.

Hadalkaan ayuu ka sheegay madaxweynuhu kulan casho ahaa oo xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya uu habeen hore ugu sameeyay magaalada Muqdisho , waxaana uu ka dalbaday kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga baarlamaanka.

Hadaba maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii uu xalay madaxweynaha jeediyay, iyagoo sheegay in tasi aysan ahayn jawaabtii ay ka sugayeen madaxweynaha.

“Madaxweyne Xasan xujooyin badan baa ku maqnaa oo caleemo saarkii madaxweyne Deni oo isagana ka soo qeybg-galay ayuu Deni dhigay gogol Soomaaliyeed madaxweynaha aqbalay markii uu Xamar tagayna uu gogoshii diiday taas waxaa xigay dhor goor oo kale oo ay ka mid ahayd maalintii Nabadda Adduunka waxa uu madaxweyne Deni goob fagaaro ah ka sheegay in Puntland ay wadahadal diyaar u tahay oo mas’uuliyiintii halkaas joogtay u sheegay inay farriintaas qaadaan weyna u geeyeen,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC-da la hadlay

“Marka madaxweynaha hadalka maanta laga rabay oo anaga iyo Soomaaliba sugeynay ayaa waxay ahayd inuu yirahdo, waxaan aqbalay gogoshii uu fidiyay madaxweyne Saciid Cabullaahi Deni oo ahayd meel fagaaro ah aan ku garnaqsano, hadaanu gar leenahayna hanaloo garaabo, hadaanu gardarannahayna hanalaqabto ee ma ahayn inuu yirahdo walaalahay waan u tagayaa waxaynaa taasi ahayd,” ayuu intaasi ku daray.
Ad
Previous articleJubaland oo Ku Dhawaaqday Mowqifkeeda Warsaxaafadeedkii xalay ee Golaha wadatashi Qaran
Next articleAgaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA oo Muqdisho Yimid