Home Wararka Maanta Maxay Mareykanku ka dhaheen duqeymaha ay is dhaafsanayaan Israa’iil iyo Xisbullah

Maxay Mareykanku ka dhaheen duqeymaha ay is dhaafsanayaan Israa’iil iyo Xisbullah

0

Xoghayaha arimaha dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa dhawaan kasoo muuqday TV-ga CBS News isagoo ka hadlay xiisada sii kordheysa ee Lubnaan kadib weeraradii Israel.

Waxa uu sheegay in sida ugu wanaagsan ee ay dadku ugu laaban karaan guryahoodii koonfurta Lubnaan iyo waqooyiga Israa’iil aysan ahayn dagaal balse ay tahay “dibloomaasiyad”. “Waxaan hadda diiradda saarnay inaan hubinno inaan ka fogaan karno dagaal buuxa,” Blinken ayaa yiri.

Blinken ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay wadahadalada xabad joojinta ah ee u dhaxeeya Xamaas iyo Israel, waxa uuna sheegay in inkastoo uu jiro heshiis, Xamaas aysan ka qeyb galin wadahadalada todobaadyadii lasoo dhaafay.

“Weli waxay u baahan tahay go’aanno adag oo dhinaca Israa’iil ah, laakiin waa habka ugu wanaagsan ee lagu joojin karo waxa Gaza ka socda, si loo sii daayo la haystayaasha,” ayuu yidhi.

heshiisyada nabadda ayaa horseedikara sida ay dublamaasiyadu u shaqeeneyso iyo in nabad laga helo goobaha hadda colaaduhu saameeyeen.

Ad
Previous articleTaliye Sulub Xaflad lagu sabootinaayo oo Muqdisho ka Socata Yaa Lagu Badalayaa?
Next articleXisbullah oo gantaalo ku weerartay Tel Aviv