Home Wararka Maanta Maxay ku Heshiiyeen Beelaha Sacad iyo laylkase ee dhawaan Dagaalo Qaraar Ku...

Maxay ku Heshiiyeen Beelaha Sacad iyo laylkase ee dhawaan Dagaalo Qaraar Ku Dhex mareen Mudug?

0

Qodobo dhameystir u ah nabadeynta colaaddiii galbeedka Mudug ee beelaha Sacad iyo Leelkase ayaa maanta lagu gaaray deegaanka Maygaagta ee gobolkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug, oo ay wehliyaan odayaasha dhaqanka labada beelood ayaa ku dhawaaqay qodobada dhamaystirka fulinta go’aannadii xabbad-joojinta ee colaadda labada beelood, iyagoo go’aamiyay in hubin lagu sameeyo dhamaystirka fulinta qodobadii hore usoo baxay ee qaadista maleeshiyaadka beelihii dagaallamay.

Sidoo kale waxay fareen ciidamada qaabilsan amniga inay xaqiijiyaan in aan isku dhac dambe imaan inta laga hirgelinayo heshiis nabadeed oo rasmi ah, iyada oo sharci-darro loo aqoonsaday in dhismayaal iyo deegaameyn laga sameeyo dhulkii lagu dagaallamay.

“Waxaa loogu baaqay dhammaan odayaasha labada beelood in ay kaalintooda ka qaataan fulinta go’aannadii xabbad-joojinta labada dhinac,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka.

Sidoo kale waxay go’aamiyeen in 5-ta bisha August ee 2024 uu furmo shirka rasmiga ah ee nabadaynta labada beelood, kaasi oo lagu qabanayo magaalada Gaalkacyo, si loo dhammaystiro gogoshii wada-hadalka nabadda labada dhinac ee dirirtu dhex-martay.

Dhinacyada ayaa waxa kale oo ay go’aamiyeen in wada-hadallada gogoshu ay ku koobnaadan odayaasha labada dhinac, iyadoo maamullada Galmudug iyo Puntland ay korjoogteynayaan.

“Maamullada waxay marwalba la xallinayaan odayaasha wixii ay isku fahmi waayaan, sidoo kalena ay farsamao ahaan hagayaan maamulka shirka, iyada oo gogosha ku koobnaaneyso odayaasha labada dhinac,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirka.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Xoog Alshabaab uga Saaray degaankaan
Next articleWasiirkii Canshuurta Kusoo Rogay Dadka Reer Muqdisho oo Maantay loo Yeeray