Home Wararka Maanta Maxay ka dhigan tahay tallaabada cusub ee Mareykanku uu Hubka Ku siiyay...

Maxay ka dhigan tahay tallaabada cusub ee Mareykanku uu Hubka Ku siiyay Ciidamada Soomaalida?

0

Dowladda Mareykanka ayaa Axaddii Soomaaliya ku wareejisay hub ay ugu talagaleen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Danab si loogu xaoojiyo ciidanka dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Sahaydan, oo qiimaheedu ahaa 9 milyan oo dollar, ayaa waxaa ka mid ah hubka culus, baabuurta gaashaaman, kuwa dhismaha, qalabka lagu baaro walxaha qaraxa, agabka dayaxtirka gaadiidka ciidamada iyo hubka.

“Waxaan ku faraxsannahay guusha ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalka taariikhiga ah ee ay ku xoreynayaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee ay dhibaateysan Al-shabaab,” ayuu yiri danjire Andre. “Waa dagaal ay Soomaali hormuud ka tahay oo ay Soomaali dagaallameyso. Maraykanku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno dadaalkan,” waxaa sidaas yiri safiirka Mreykanka ee Soomaaliya Larry Andre.

“Mareykanku wuxuu noo gartay inuu nagu garab istaago xaaladaan adag, waxaan maanta kala wareegeynaa agabkii ay ciidankeenu u baahnaayeen, waa fariin iyo garab istaag wada socda hubkaan uu Mareykanku nasiiyey,” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Haddaba arrintani maxay ka dhigan tahay?

Inkastoo Soomaaliya ay saarantahay cunnaqabateynta hubka haddana dowladii kala dambeyay mid walba oo ka mid ah waxay dadaal galisay in dalka laga qaado cunnaqabateynta. Balse dhamaantood kuma aysan guuleysan.

Maxamed Mukhtaar Ibraahim, oo wasiir ka soo noqday Soomaaliya,ayaa aaminsan in hubkan la siiyay dowladda Soomaaliya uu wax badan ku kordhin doono gaarhaan marka laga fiiriyo dagaalka dowladdu xilligaan kula jirto Shabaab.

Wuxuu sheegay in sidoo kale taageerada dowladda federaalku ka hesho dalalka kale aysan ku ekeyn oo kaliya hub, balse la siiyo waxyaabo kale sida cunto iyo dawooyin kuwaas oo gacan ka gaysan kara howgallada socda.

“Hubka hadda la siiyay ciidamada dagaalka runtii wuu ka anfacayaa,” ayuu yiri wasiir hore Maxamed Mukhtaar Ibraahim. Wuxuu intaa raaciyay” runtii waa tallaabo soo dhweyn mudan”

Sidoo kale Muktaar ayaa aaminsan in ciidamada Macawisley ay xitaa helayaan waxyaabaha ay u baahan yihiin marka la eego kaalmadan agabka kala duwan isugu jirta ee la siiyay dowladda Soomaaliya.

Mar la waydiyay in hubkaan isticmaalkiisa ay u diyaarsanyihiin ciidamada Soomaaliya wuxuu sheegay in hubkaan aanu ku cusbeyn ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. “Runtii hubka hadda Soomaaliya la siinayo maaha hub ku cusub oo aaney aad u garaneyn ma aha waa hub loo tababaray isticmaalkiisa,”.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidanka Gotr Gor oo gaaray Deegaano Hoos-taga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug
Next articleWasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Saldhiga Turkisom Kuna Soo Arkay Wax yaabo Cajiib ah(Sawiro)