Home Wararka Maanta Maxay Haayeen Booyada Soomaalida ee Shidaalka Sida oo la Amray inay Dib...

Maxay Haayeen Booyada Soomaalida ee Shidaalka Sida oo la Amray inay Dib ulaabtaan?

0

dhawaad laba boqol oo ah Booyado sida shidaal oo ku xanibnaa xadka dalka Koonfurta Sudan uu la wadaago dalka Sudan ayaa lagu soo warramayaa, in lagu amray in ay dib ula laabtaan shidaalka ay wadaan.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee gaadiidkaan loogu amray in ay dib ula laabtaan shidaalka ay wadaan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Koonfurta Sudan oo aarrintaan ku saabsan marka laga yimaado in ay amarka soo saartay.

Booyadahaan oo intooda badan ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaa ku wajahnaa magaalada Abyei ee xadka labada Sudan ku taalla sida uu BBC-da u sheegay mid ka mid ah darawallada gaadiidkaas oo lagu magacaabo Maxamed Cabbdirisaaq Axmed (Boqol).

Boqol wuxuu sheegay in muddadii ay jidka ku sii jireen koox burcad ah ay ka dileen nin magaciisa uu ku soo koobay Xuseen.Wuxuu sidoo kale sheegay in gawaarida ay leeyihiin Qaramada Midoobey kaliya loo oggalaaday in ay gudbaan.

Booyadahaan iyo gawaarida kale ee loo diiday in ay tagaan halkii bartilmaameedku ahaa ayaa markii hore qaarkood ka baxay dalka Kenya, halka qaarka kalena ay ka ambabaxeen magaalada Jubba ee caasimadda Koonfurta Sudan.

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa waxaa ka muuqanayay booyado badan oo saf dheer ku jira isla markaana tuban waddo dhinaceed oo lagu sheegay in ay leeyhiin dad Somaali ah.

Wada-yaasha ayaa sidoo kale sheegay in aysan ilaa iyo hadda wax caawin ah helin, maadama ay jirto safaarad Soomaaliya ku leedahay dalkaas.

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleDowladda Itoobiya oo ciidamo badan oo gaashaaman kusoo daabushay xadka ay la wadaagto Soomaaliya
Next articleCiidamada Abiya Axmed oo Dagaal Qaraar lagu Jabiyay Xili Abiya Ciidamada Soo Dhoobay Xadka Soomaaliya