Home Wararka Maanta Maxay ahayd Sababta Dowlada Soomaaliya Ku qasabtay inay ogolaato in Ciidamada...

Maxay ahayd Sababta Dowlada Soomaaliya Ku qasabtay inay ogolaato in Ciidamada Itoobiya Sii Joogaan?

0

Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay howlgalka cusub ee AUSSOM ee sanadkan ka billowday dalka, ayaa ka hadlay sababta keentay in haatan Itoobiya lagu soo daro howlgalka cusub oo ay ka qayb qaadan doonaan, xilli horay dowladda federaalka Soomaaliya ay go’aan uga qaadatay ciidamada Itoobiya.

Howlgalka cusub ayaa waxaa hadda ka qayb-galaya 5 dal oo kala ah Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar, kuwaas kala hoggaamin doono shanta sector ee howlgalkan oo loogu magac daray AUSSOM, kaas oo beddalay howlgalkii hore ee ATMIS. Waxaa sidoo kale lagu koobay tirada askarta 11,195 askari oo ka kala socda shantaasi waddan.

“Maanta waxaa lasoo gabagabeeyay howlihii harsanaa, 5 dal ayaa kala hoggaaminayo 5-ta Sector oo kal aha Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar shantaas dal ayaa lambarkii iyo goobahood lasoo dhammeystiray” ayuu yiri la-taliyaha amniga qaranka.

La-taliyaha amniga qaranka ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay arrinta Itoobiya, isaga oo sheegay in ciidamo cusub oo la keeno ay ka door bideen kuwa Itoobiya, maadaama ay hadda gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxaa usoo baxday maadaama dhul ballaaran ay joogaan ciidanka Itoobiya ay ka fududahay inay iyaga sii joogaan, iyada oo lagu dabraayo qaabkii ay u dhaqmi jireen iyo wixii ka horreeyay xilligan in ay isbedalaan oo noqoto inay ixtiraamaayaan gobonimada Soomaaliya oo DFS wax weliba uga dambeynaayaan” ayuu yiri la-taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday doodda ka taagan arrinta Masar iyo Itoobiya oo is haya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan waxba iska quseen waxa ka dhexeeya labada dal iyo howlgalka cusub, isla markaana dowladda Soomaaliya ay fiirineyso danaheeda.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleDaacishtii ku Sugnayd Buuraha Puntland oo la Duqeeyey
Next articleAbiya Axmed oo Maalinka Beri ah imanaaya Magaalada Muqdisho