Home Wararka Maanta Maxay Ahaayeen Tuugada Lacagtaan Faraha Badan Soo Dhacday ee Muqdisho Lagu Qabtay?

Maxay Ahaayeen Tuugada Lacagtaan Faraha Badan Soo Dhacday ee Muqdisho Lagu Qabtay?

0

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa galabta shir jaraa’id qabtay, isagoo shaaciyey in lasoo qabtay dad badan oo loo heysto dhac dadweyne, kuwaas oo shabakad lacag badan dhacday ay ku jirto.

Kiisaska uu boolisku soo bandhigay waxaa ugu weyn in lasoo qabtay rag dhacay 10 kun oo doollar, waxaana ku socota baaritaan, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

“Waxaa lasoo qabtay dad dhacay lacag gaareysa 10 kun oo doolar, kuwaas oo ahaa shabakad isku xiran oo dadka ku dhacay qaab farsameysan, baaris ayaana ku socota ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen burcaddii ugu badneyd, kadib howlgallo qaatay laba toddobaad oo laga sameeyay gudaha caasimada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tirada dadka lasoo qabtay ku sheegay inay gaarayaan 70 ruux oo qaarkood kasoo muuqday baraha bulshada, iyaga oo gaysanaya dhac toos ah.

“Ilaan 70 oo isugu jiro dhac hubeysan iyo dad dhacay lacag gaareyso $10 kun oo shabakad ahaa si farsameysan uga dhacay dadkii lahaa hantidaas ayaa lasoo qabtay,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Cabdiftaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xusay in dhammaan dadkan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Dadkan waxay isugu jiraan kuwa toos maxkamadda loo horgeyn doono oo cadeyntoodii wata iyo kuwa baaris ay u dhiman tahay, lana caddeyn doono dambigooda” ayuu hadalkiisa raaciyay Afhayeenka Booliska.

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Bobi Wine oo toogasho lagu dhaawacay
Next articleWar Deg Deg ah: Dagaal qaraar oo laisku Habeensaday oo Ka Dhacay Galmudug