Home Wararka Maanta Maxay ahaayeen 5taan nin ew Saakay Tiirka Toogashada Lageeyey(Sawiro)

Maxay ahaayeen 5taan nin ew Saakay Tiirka Toogashada Lageeyey(Sawiro)

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee deegaanada Jubbaland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa Kooxda Alshabaab, kuwaas oo horay magaalada Kismaayo uga gaystay dilal kala duwan, waxayna Alshabaab u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee madax-jebinta ah.

Dadka ay horay u dileen ragga maanta la toogtay waxaa ka mid ahaa Sheekh Cumar Maxamed Daahir, Sheekh Cabdullaahi Dalab iyo Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo caan ka ahaa magalaada Kismaayo.

sidoo kale qaraxyo iyo dilal kale oo deegaanada Jubbaland ay ka geysteen ayey maxkamaddu ku heshay 5-taas nin, waxaana lagu fuliyey qisaasta dadkii ay dileen.

Ragaan saaka la tooktay ayaa kala ahaa Maxamed Cabdullaahi Abukar Deerow, Cismaan Maxamed Mursal oo horay u dilay AUN marxuum Sheekh Cumar Maxamed Daahir, halka Gacan ku dhiigle Maxamed Ibraahim Cali iyo gacan ku dhiigle Ilyaas Maxamed Xassan oo iyaguna si wadajira u fuliyay dilkii AUN Marxuum Sheekh Cabdullaahi Dalab.

gacan ku dhiiglaha shanaad ayaa ahaa ninkii Dilay Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo haray Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ay dil toogasho ah ugu xukuntay kaas oo magaalada Kismaayo iyo agagaarkeeda ka gaystay qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleXukunka Rag loo haysto Dilka Ardaygii 18ka ahaa ee Dhawaan Muqdisho lagu Dilay
Next articleGalmudug oo War kasoo saartay Hubkii Lagu Bililiqaystay Duleedka Caabudwaaq