Home Wararka Somaliya Galmudug Maxamed Kaafi oo Maantay Lagu toogtay Galmudug

Maxamed Kaafi oo Maantay Lagu toogtay Galmudug

0

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Maxamed Kaafi Cabdi oo horay dil uga gaystay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi.

Maxamed Kaafi ayaa ugu dambeyn maanta laga oofiyay qisaasta Marxuum Duraan Jaamac Maxamed oo uu horay u dilay.

Sidoo kale waxaa fagaaraha lagu toogtay goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, maamulka degmada iyo qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Caabudwaaq.

Horay Maxamed Kaafi oo kasoo muuqday maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa qirtay inuu dilka gaystay, waxaana lagu xukumay toogasho oo maanta lagu fuliyay

“Dilkaa la’igu soo eedeeyay waan gaystay, weliba si kas ah ayaan u gaystay, kolley wuxuu u dhintay ayuu iga qabay” ayuu horay u yiri Maxamed Kaafi.

Sidoo kale wuxuu horay u dalbaday in laga oofiyo qisaasta marxuumka, maadaama uu maxkamadda horteeda ka qirtay inuu si kas ah u dilay

“Codsi ahaan waxaan soo jeedinayaa in la’iiga oofiyo xaq i saaran oo la’igu xukumo dil toogasho ah” ayuu mar akle yiri Maxamed Kaafi.

Caabudwaaq ayaa horay sidaan oo kale toogasho loogu fuliyay eedeysanayaal kala duwan oo dilal ka gaystay magaaladaasi, waxaana soo dhaweeyay bulshada deegaanka.

Ad
Previous articleXildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas oo Jawaac Culus Siiyay Odayaasha Hawiye
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Qaraar oo Markale Dhexmaray Saleebaan iyo Wagardhac