Home Wararka Maanta Maxamed Adan maxamed oo Maantay Xukun Dil ah Lagu Riday

Maxamed Adan maxamed oo Maantay Xukun Dil ah Lagu Riday

0

Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybteeda 27aad, ayaa maanta xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo lagu helay in uu dil u geestay askari kale.

Dable xoogga dalka Maxamed Aadan Maxamed Isaaq (Kobra) ayaa maxkamada ciidamada qalabka sida ku eedeesay in uu dil bareer ah u geestay Laba xidigle xoogga dalka Aadan Maxamed Xasan (Suufi) oo isna ciidanka dowladda katirsanaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Maxamed Amiin ayaa sheegay in Dable Maxamed Kobra lagu riday xukun dil ah oo qisaasta marxuumkii uu horey u dilay Aadan Maxamed Xasan (Suufi) .

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa marar badan xukuno dil ah ku riday askar katirsan ciidanka dowlada oo siyaabo kala duwan dilal bareer ah ugu geestay askar kale iyo dad shacab ah.

Ad
Previous articleAqriso: Xildhibaano Cusub oo Goordhow lagu Doortay Magaalada Baydhabo(Sawiro)
Next articleDadaalo Xal loogu Raadinaayo Khilaafka Madax Sare ee Hirshabeele oo Baladweyne Kasocda