Home Wararka Maanta Maxaad ka ogtahay labada waqti ee Hindiya ogolaatay inay Soomaalida fiisaha ku...

Maxaad ka ogtahay labada waqti ee Hindiya ogolaatay inay Soomaalida fiisaha ku siiso?

0

Dadka Soomaaliyeed ee ku safra baasaboor Soomaaliga waxay sanado badan wajahayaan caqabado la xiriira dal ku galka dalka India oo ah meesha ugu badan oo Soomaalida caafimaad ahaan u aado

Iyada oo adeegyada caafimaad ee Soomaaliya ay aad u liitaan, haddana waxaa jiray waqti fog caqabado dadka raadinaya caafimaadka kala kulmayaan dalalka ay damcaan inay caafimaad u aadan.

Waxaa lagu dhibaa fiisaha. India oo kaalinta koowaad kaga jirta halka ay bulshada Soomaaliyeed caafimaadka u aado ayaa fiisaheeda laga bixin magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaalida.

Dadka Soomaaliyeed ee doonaya fiisaha India waxay tagaan magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi, laakiin sidaas oo ay tahay caqabaduhu waa kuwo aad u daran.

Muddada la sugaayo, kharashka iyo shuruudaha waraaqaha dadka laga rabo ayaa dhamaan ah kuwo mararka qaar sababa bukaanno xaaladoodu deg deg aheyd oo uu fiisihii kasoo daahay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi wuxuu shalay la kulmay safiirka India u fadhisa Soomaaliya Marwo, waxaana kulanka guud ahaantiisa diirada lagu saaray xiriirka labada waddan, gaar ahaan arrinta dal ku galka dadka Soomaaliyeed ee sida joogtada ah caafimaadka ugu doonta waddanka India.

Madaxda sare ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo aan la hadalnay waxay sheegeen inay safiiraddu ballan-qaaday in asbuuc lagu bixin doono wixii hadda ka dambeeya fiisaha Hindiya, iyada oo aanay cidna u dhaxeynin labada dhinaca.

Waxay kale oo safiiraddu ballan-qaaday in saddex maalmood lagu siin doono fiisaha dadka uu xaalkoodu deg-degta yahay.

Ma cadda inay wax iska beddeli doonaan qiimaha ay dadka baasaboor Soomaaliga ah sita ku helaan fiisaha Hindiya oo aad qaali u ah, balse in waqtiga la boobsiiyo oo dhexdana laga saaro dalaaliinta dhibaateeyay shacabka danyarta ah waa wax weyn oo lagu amaani karo wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Ad
Previous articleHaweeneydii ugu da’da weyneyd ee sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka
Next articleAlshabaab oo Weerarary Saldhigaan oo ay daganyihiin Ciidamada….