Home Wararka Maanta Maxaa Lagu Haystaa Gudoomiyayaasha Hodan iyo Howlwadaag ee Shaqa joojinta Lagu sameeyey?

Maxaa Lagu Haystaa Gudoomiyayaasha Hodan iyo Howlwadaag ee Shaqa joojinta Lagu sameeyey?

0

Guddoomiye Yabooh oo ay la socdaan mas’uuliyiin katirsan Gobalka Banaadir ayaa maanta tagay degmooyinka Waliyow Cade oo kala ah, Hodan, Waabari, Howlwadaag iyo Xamar Jajab.

Yabooh, ayaa maamulka degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag iyo madaxda amniga ee degmooyinkaas u sheegay in shaqada laga joojiyay labada Guddoomiye, dhamaan xubnaha kale ee maamulka degmada 45 cesho shaqadooda kor joogteyn lagu sameyn doono, cidii lagu arko wax qalad, habacsanaan shaqo iyo dhaga adeegna la ruqseyn doono, shaqaalaha degmada ayaa la faray in ay la shaqeeyaan ragga kusimaha laga dhigay.

Maamulada degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab ayaa dhankooda la siiyay digniin kama dambeys ah, waxaana loo sheegay in 45 cesho oo kor joogtayn ah iyo la socosho shaqadooda ah ay jiri doonto, iyadoo uu meesha ka xusay in la ruqseyn doono qofkii u hogaansami waayo ammaradaan.

Yabooh, ayaa dadkii uu la kulmay u sheegay in guddoomiyaasha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay mari doonaan canaan iyo tababar maamul, kadib markii uu sheegay in ay sameeyeen dayacaad iyo xil gudasho la’aan.

Ad
Previous articleIsraa’iil oo sheegtay in Xisbullah 320 gantaal ku soo tuurtay shalay