Home Wararka Somaliya Puntland Maxaa laga ogyahay hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdiqaadir Muumin ee ‘dhawaan la...

Maxaa laga ogyahay hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdiqaadir Muumin ee ‘dhawaan la beegsaday’?

0

Sida laga soo xigtay taliska ciidamada Maraykanka ee Africom, duqeymo dhanka cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya dabayaaqadii bishii May ayaa lala beegsaday hogaamiyaha garabka Soomaaliya ee ururka Daacish.

Ma cadda in lagu dilay duqeynta iyo in kale, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah oo u warramay warbaahinta.

War qoraal ah oo 31-kii bishii May soo sareen howlgalka Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayey ku sheegeen in duqayn ay ku bartilmameedsadeen Daacishta ku sugan buuraha Cal-Bari.

Warkaas ayaa lagu yiri: “Innagoo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Soomaaliya ka fuliyay weerar cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada Daacish,”

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan fog oo ku dhow aagga Dhaardaar oo qiyaastii 81 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee dalka Soomaaliya.

Qiimaynta hordhaca ah ee duqeynta ayaa lagu sheegay in saddex ka tirsan Daacish lagu dilay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah sida ay bayaankooda ku sheegeen AFRICOM.

Ka hor duqayntaan ayaa waxaa jirayay warar horay u shaac baxay oo ku saabsanaa fayo-qabka hugaamiyaha daacish.

Sarkaal hore ugu tirsanaa Sirdoonka Puntland oo shaqadiisu ay qayb ka aheed la dagaalanka kooxaha argagixisida oo ay Daacish ka mid , diidayna in aan magaciisa baahino ayaa BBCda u sheegay in waayadii danbe Muumin uu xanuunsanaa uuna ogyahay in safar caafimaad uu ugu baxay dalalka ku yaalla galbeedka Afroka.

Sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay in Daacishta Soomaaliya ay aad u yar tahay, ayna ku sugan yihiin 100 ilaa 200 oo dagaalyahanno ah.

Balse sida uu BBCda u shegay sarkaalkan sirdoon ee Puntland, dagaalyahannada kooxda ayaa boqolkiiba lixdan ka kooban ajaanib sida ay tibaaxayso xogta ay horay u aruurisay hay’adda uu ka tirsanaa.

Sanadkii 2016-kii bishii Agoosto, dhammaadkeedii waxaa waaxda arrimaha dibada Maraykanka u aqoonsadeen Cabdiqaadir Muumin, inuu yahay ‘Argagixiso caalami ah’.

Ad
Previous articleSomaliland oo baaq kasoo saartay dhallinyarada ku eedaysan dilka aqoonyahan Cabdinaasir Dahable oo Fiilo Lagu Ceejiyay
Next articleTaliyihii Hogaaminaayay Burcadii Markabka Mv Cabdullahi Ka Qaadatay 5 Milyan Oo Mudug lagu Qabtay