Home Wararka Maanta Maxaa ku soo kordhay Dagaalka Dhuusomareeb ee u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu-Suna

Maxaa ku soo kordhay Dagaalka Dhuusomareeb ee u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu-Suna

0

Saraakiil ka tirsan ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna ayaa ka mid noqday tiro dad ah oo lagu dilay dagaaladii saaka ka dhacay magaalada Dhuusamareeb caasimada Galmudug

Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiiyay geerida Cabdulqaadir Alamagan oo ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee Wasiirka Waxbarashada Galmudug & Cabdalle Jaamac Indho maleh oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ahlusunna ee saaka weerarka soo qaaday,

Sidoo kale waxaa jira tiro madaafiic ah oo ku dhacay Xaafado katirsan Magaalada Dhuusmareeb, kuwaasoo waxyeelo ay kasoo gaartay dad Shacab ah, sidoo kale guryo farabadan ay ku burbureen.

Cumar Da’uud oo ka mida saraakiisha ciidanka Madaxtooyada Galmudug kana mid ah saraakiisha hogaaminaysa dagaalka ayaa warbaahinta kula hadlay cirifka waqooyi ee Dhuusamareeb isagoo sheegay inay magaalada ka saareen xoogaga Ahlusunna, isla markaana ay ku daba jiraan firxadkooda.

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in dhinacyada ay gurmadyo kala duwan helayaan, waxaana ciidamada dowladda degmda Guriceel uga yimid Ciidamo isugu jira Gorgor iyo kuwa Booliska ah, halka Xoogaga Ahlusunna ay Ciidamo horleh uga yimaadeen dhinaca degaanka Bohol.

Dhinaca kale, Xarunta Taliska Ciidamada Gorgor ee Dhuusamareeb ayaa la isugu keenay 28-maxaabiis ah oo Ciidamada Dowladu ku soo qabteen dagaalka ay kula jiraan Kooxda la baxdey Ahlusunna. Maxaabiistan ayay todobo ka mid ah yihiin rag dhaawacyo qaba oo looga cararay goobihii lagu dagaalamey.

Tacshiirad goos goos ah ayaa weli laga maqlayaa duleedka magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo ay weli dagaalo ka socdaan, iyadoo saraakiisha ciidamada galmudug ay wacad ku mareen ineysan dagaalka ka soo laaban doonin ilaa ay Galmudug ka ciribtiraan kooxda Sufo.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleWarar Dheeraad ah: Ciidanka Galmudug oo Ahlu-suna dib uga saartay Magaalada Dhuusomareeb
Next articleXaalada Magaalada Dhuusomareeb, Ciidanka Ahlu-suna oo Dagaalka lagu jabiyay