Home Wararka Maanta Maxaa Ku Dhacay Balankii Ahaa in Itoobiya Heshiis Aqoonsiga Soomaaliland Maantay Saxiixdo?

Maxaa Ku Dhacay Balankii Ahaa in Itoobiya Heshiis Aqoonsiga Soomaaliland Maantay Saxiixdo?

0

XOG; Itoobiya iyada ayaa dib u dhigtay in maanta 26-June qalinka lagu duugo is-afgaradkii dhex maray iyaga iyo Korneyl Biixi waxaana xukuumadda Abiy aqbashay inay la xaajooto Soomaaliya kaddib tanaasul labada dhinac ka yimi.

Madaxweyne Hassan ayaa Turkida ka aqbalay in uu kasoo dabco go’aankii ahaa in aan la wada hadlayn inta Abiy ka laabanayo heshiiska uu la galay Muuse.

Abiy-na wuxu joojiyay in uu dhamaystiro heshiiskii oo loo madlanaa in 26ka June la saxeexo.

Intaas kaddib 30-ka bishan isla June ayaa shir heer Wasiirro-arrimo dibadeed ku bilaabmaya loogu balamay in uu Soomaaliya iyo Itoobiya uga furmo magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Korneyl Biixi ayaa xalay cadeeyay in dhankiisa waxkasta diyaar yihiin balse uu ka war sugayo inta Itoobiya oo dawlad weyn ahi diyaar garoobayso waa sida uu hadalka u dhigay.

Ad
Previous articleMukhtaar maxamed yerow oo ugubDanbayn Soogalay Gacanta Dowlada
Next articleDagaal Aad U Culus oo maalmo Gurmad Laisku Aruursanaayay oo Saakay Markale ka Dhex Qarxay Beelaha Sacad iyo Laylkase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here