Home Wararka Maanta Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya...

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

0

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal ka dhex qarxo wakhti kasta.

Kadib heshiiskii labada dal ay ka gaadheen colaaddii muddada badan dhex taalay sanadkii 2018, ciidamada Ereteriya waxay dowladda Abiy Axmed ka taageereen dagaalkii uu kula jiray ciidamada gobolka Tigray ee TPLF sannadihii 2020 ilaa 2022, iyada oo kumannaan kamid ah ciidamada Ereteriya ay gudaha u galeen gobolka.

Haddaba, Ereteriya ayaa ka cadhootay kadib markii laga qaybgalin waayay heshiiskii ay Pretoria ku gaadheen dowladda Itoobiya iyo TPLF, 2-dii November, 2022. Ereteriya waxay isku aragtay in la gaadhay heshiis aan laga talo gelin, maadaama ay dagaalka qayb ka ahayd, waxayna khatar u aragtay kooxda TPLF oo markale loo dhiibay hoggaanka gobolka Tigray.

Waxa soo laba kaclayay muran dhanka dhulka ah oo labada dal ka dhexeeyay muddo dheer. Kadib markii ay Ereteriya ka go’day Itoobiya sannadkii 1993, dagaallo dhiig badan ku daatay oo salka ku hayay muranka dhulka ayay la gashay Itoobiya sannadihii 1998 ilaa 2000. Haddaba, maadaama aanay qayb ka ahayn heshiiskii nabadda ee Pretoria, si rasmi ah looma xallin murankii dhulka. Sidoo kale ciidamada Ereteriya, ayaa Tigray looga saaray si amar ah oo anay Asmara ku qancin.

Kadib heshiiskii dhinaca badda ee Itoobiya iyo Somaliland ay galeen horaantii 2024, waxa soo ifbaxday diidmada Asmara ee damaca Itoobiya ee ah inay hesho marin badeed. Ereteriya oo ka xun in Itoobiya ay timaaddo Badda Cas, ayaa markiiba xulufo la noqotay Masar iyo Soomaaliya oo heshiiskaas kasoo horjeeday, taasina waxay markale soo celisay cadaawaddii labada dal.

Sidoo kale, waxa khatarta dagaalka sii xoojiyay kala jab ku yimid xisbiga TPLF ee loo dhiibay maamulka gobolka Tigray, iyada oo dagaallo cusubi ay dhex mareen dhinacyo is-maandhaafsan. Haddaba, waxa laga cabsi qabaa in dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya ay la kala saftaan dhinacyadaasi, taasoo dhalin karta dagaal waqti dheer qaata.

Ugu dambayn, waxa markale istaagay isu socodkii gaadiidka labada dal oo lasoo celiyay 2018, iyada oo Asmara mamnuucday duulimaadyadii Ethiopian Airlines, sidoo kalena dhinacyada ayaa heegan geliyay ciidamadooda, iyaga oo xadka u dhexeeya soo dhoobay ciidan badan. Taasi oo sii xoojisay cabsida laga qabo in uu qarxo dagaal kale.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab
Next article4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland