Diblomaasiyiinta sare ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Talaadadii yeeshay wejigii ugu horreeyay ee wadahadallo farsamo ah oo lagu raadinayo xalka khilaaf ka dhashay heshiis dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.
Turkiga ayaa dhex-dhexaadinaya dalalkan Geeska Afrika, iyadoo laga walaacsan yahay in xiisadda oo sii korortay ay horseedi karto isku dhac cusub oo ka dhaca gobolka horeyba xaaladiisa u kacsaneyd.
Xiisadda ayaa kacday kaddib markii Itoobiya, oo aan lahayn bad, ay sannadkii hore la saxiixatay Somaliland heshiis is-afgarad ah oo ay dhul xeebeed kaga kireysaneyso si ay saldhig ciidan badeed uga sameysato.
Sida lagu heshiiyey, Itoobiya ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanida Somaliland. Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee, waxay ku dooday in heshiiskan uu xadgudub ku yahay madax-bannaanideeda iyo midnimada dhuleed ee dalka.
Bishii December, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmay Turkiga, halkaas oo ay ku heshiiyeen in la billaabo wadahadallo farsamo oo lagu raadinayo heshiis suurtagal ah, kaas oo dammaanad qaadaya madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana u ogolaanaya Itoobiya inay hesho marin badeed.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in wafdiyada ay kala hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos, iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ay yeesheen wejigii ugu horreeyay ee wadahadallo farsamo ah oo ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara.
“Labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay fulinta qodobada iyo ruuxda Bayaanka Ankara,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, oo xiganeysa heshiiskii la gaaray bishii December. “Wafdiyadu waxay billaabeen dadaallo lagu xaqiijinayo aragtidaas.”
Wareegga labaad ee wadahadallada ayaa lagu wadaa inuu dhaco bisha Maarso, sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda.
Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh maal-gashi ballaaran, oo ay ka mid tahay saldhigga ugu weyn ee ciidan ee uu dibadda ka dhistay.
Somaliland ayaa sheegtay in ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano ka hor, hase yeeshee lama aqoonsanin xornimadeeda, mana ay aqoonsana Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Itoobiya, oo lagu qiyaaso inay leedahay dad ka badan 120 milyan, waa dalka ugu dadka badan caalamka ee aan lahayn bad