Home Wararka Maanta Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Laftagareen iyo Raysulwasare Xamse ee Baydhabo?

Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Laftagareen iyo Raysulwasare Xamse ee Baydhabo?

0

Shalay ayay Ahayd Markii Raysulwasaaraha Soomaaliya uu Gaaray Magaalada Baydhabo Si uu u xaliyo Khilaaf Meel Adag Gaaray oo U dhaxeeya Xasan Shiikh iyo Laftagareen Xamse Cabdi Barre ayaana Shalay loo Diray Inuu Xaliyo Laftagareena Keeno Shirka Wadatashi Qaran ee Muqdisho ka dhici Doonaa.

Raysulwasaaraha ayaana La sheegay inuu Kulan Qaatay Shan Sacadood la qaatay Madaxweyne Laftagreen Kaas oo Soo Gudbiyay Cabashada ay ka qabaan Maamulka Madaxweyne Xasan Shiikh.

Raysulwasaaraha Shalay Waxaa Lasocday Shanbaloolshe iyo Xildhibaan Nuux oo kasoo jeeda koonfurgalbeed Balse  laftagareen Diiday inay Shirka kasoo qayb Galaan Waxaana Shirku Dhexmaray kaliya Xamse iyo Laftagareen.

Laftagareen ayaana Usoo Dhiibay Cabasho Badan Raysulwasaare Xamse Wuxuuna Dalbaday in Uu Xasan Shiikh ula laabto isla markaasna ay isugu yimadaan Shir kale Xamse Cabdi Barre ayaa intaas kadib Dalbaday in laftagreen Kasoo Qaybgalo Shirka Golaha wadatashi Qaran oo Muqdisho Ka dhici Doona.

Xogta ayaa Sheegay in Laftagareen uusan Diidin inuu Kasoo qaybgalo Shirkaas oo La qorshaynaayo inuu dhaco Bishaan Dhexdeeda Balse uu sheegay in Axmed Madoobe Safar Caafmaad ugu Maqanyahay Imaaraadka Carabta Hadii uu yimaado uu asna Imaan Doono.

Xamse Cabdi Barre ayaa la Filayaa Galabtay Inuu Dib Ugu soo laabto Muqdisho asagoo Xambaarsan Cabasho uu Laftgareen Usoo Dhiibay lama oga Sida uu xasan Shiikh u xalin Doono Cabashadaas oo ay kamid tahay inuu Xilka ka qaadoo wasiiro uu ku jiro Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo dhawaan Si wayn u dhaliilay Hab Maamulka Laftagaree.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Kharaar oo Maalinkii Labaad ka Socda Gobalka Mudug
Next articleJaamacada Carabta oo Markale Taageertay Soomaaliya itoobiyana Ka Hortimid