Home Wararka Somaliya Galmudug Maxaa Ka Jira in Deeganada Afbarwaaqo iyo Budbud ay Gareeen Maleeshiyaad Ka...

Maxaa Ka Jira in Deeganada Afbarwaaqo iyo Budbud ay Gareeen Maleeshiyaad Ka Tirsan Alshabaab?

0

War-saxaafadeed.

Maamulka Degmada Afbarwaaqo ee Dowlad Goboleedka Galmudug wuxuu beeninayaa wararka been abuur ka ah ee lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Alshabaab ay soo gaareen Deegaano hoostaga Degmada Afbarwaaqo , arintaasi oo aan u aragno ka maamul ahaan falcad oo argagax gelin ah oo ay faafinayaan dad kasoo horjeeda Horumarka iyo Nabadda guud ahaan bariga Gobalka Mudug.

Afbarwaaqo iyo Deegaanada hoosyimaada sida qoryoweyne , Budbud dhinowda , Xingod ilaa Towfiiq waxaa ku sugan kana hawlgala Ciidanka booliska Galmudug iyo kuwa isku dhaf ah ee u xil saaran xasilinta Amniga Gobalka Mudug , mana dhici karto in ay yimaadaan ama soo hawaystaan kooxo nabad diid ah oo meelo kale ka yimid.

Waxaan uga digaynaa dadka ku hawlan qalqal-gelinta iyo faafinta wararka been abuurka ah falalka gurran ee ay ku kacayaan , waxaana kula talinaynaa in ay ka waantoobaan faafinta wararka beenta ah ee nuucaan oo kale ah.

Ad
Previous articleCiidamada Masar oo rasaas ku furay kuwa Israel ee jooga halka laga galo Rafax
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ka jawaabtay Hadalkii Madaxweyne Ruto ee Aha in Alshabaab Soomaaliya Qabsanayso