Home Wararka Maanta Maxaa ka jira in ciidamada DF ay kasoo baxeen Ceeldheer?

Maxaa ka jira in ciidamada DF ay kasoo baxeen Ceeldheer?

0

Soomaaliyeed ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dib uga soo baxeen magaalada Ceeldheer kadib markii la wariyay inay gadood uga soo baxeen halkaas.

Warar ku baahay baraha bulshada ayaa sheegayay in ciidamada oo ka cabanaya mushaar la’aan ay soo faarujiyeen fariimihii ay ku lahaayeen degmadaasi.

Sarkaal u hadlay ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin waxba kama jiraan, welina gacanta ku hayaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

“Magaalada sideeda ayaa loo joogaa wax broblem ah kama jiraan wax ka baxay iyo wax ka tegay midna ma jiro shaqadu sidii ayay u socotaa” ayuu yiri sarkaalka u hadlay milatariga.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dad leh dano gaar ah iyo siyaasiyiin ay faafiyeen wararkaasi, balse aysan jirin dhibaato kale.

“Dad ujeedo gaar ah ka leh malaha shilimaad ku raadinaya iyo kuwa siyaasiyiin ah oo wax kale ka raadinaya uunbaa qorayee wax dhibaato ah ma jiraan” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu meesha ka saaray in mushaar la’aan ay hayso ciidamada ku sugan difaaca hore ee degmada Ceeldheer, maadaama howlgallo ka socdaan.

“Difaacu waa sidiisii iyo si kasii fiican, shaqaduna meesheedii ayay ka socotaa. Xoogga dalka mushaarkiisa quu qaataa dadka dhana waa ogyahay” ayuu mar kale yri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay sii socon doonaan qorshahoodana uu yahay inay gaaraan meelo kale oo kamid ah gobolka.

“Waxaan rabnaa inaan meel kale qabano oo deegaanno kale aan gaarno, insha allah shaqo kale ayaan sii qabaneynaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Ceeldheer ayaa kamid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Al-Shabaab, kadib markii ay dagaal ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleNamibia Oo Madaxweyne Cusub Yeelatay Saacado Yar Kadib Markii Uu Dhintey Madaxweynihoodii
Next articleNin Doonaayay inuu Gubo Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa oo Ciidamada Amaanku Gacanta Ku Dhigeen