Home Wararka Maanta Masuulin Sare sare oo ka Tirdan Dowlada oo Xabsiga Lagu guray

Masuulin Sare sare oo ka Tirdan Dowlada oo Xabsiga Lagu guray

0

Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda maaliyadda ayaa goordhoweyd lasoo xiray, sida uu shaaciyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Saraakiishan oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan canshuuraha berriga, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne iyo sameynta dokumentiyo dowladeed oo been abuur ah, sida boonooyin lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay waaxaha ay ka howl-galayeen saraakiishan, kuwaasi oo kala ahaa; khasnajiga xafiiska canshuuraha beriga ee degmada Warta-nabadda iyo madaxii hore xafiiska canshuuraha beriga ee degmadaasi, haddana ah madaxa canshuuraha berriga ee degmada Xamar-Jajab iyo sarkaal kale oo uusan shaacisan

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu ugudbin doonaa eedeysanayaasha maxkamadda awoodda u leh marka ay soo dhamaato baarista kiiska loo haysto si loo horkeenno cadaaladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed goordhoweyd kasoo baxay Xafiiska.

Xafiiska ayaa sidoo kale waxa uu digniin culus u diray cid walba oo ku hawlan fal dembiyeedyada sare ku xusan, ee ah damaaciga hantida dadweynaha iyo sameynta dokumentiyada been abuurk ah.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay howl-gallada lagula dagaalamayo xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka ee ay wadaan hay’addaha amniga.

“Xafiiska waxa uu uga digayaa saraakiisha dowladda, shirkadaha iyo hay’addaha la-macaamila hay’addaha dowladda in ay qeyb ka noqdaan dembiyada la xiriira musuq.”

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan oo safar qarsoodi ah ku tegay dalka…
Next articleMr Sheelare, Axmed Mire Iyo Rag kale oo Dhashiike ky laayay Dad Shacab ah oo lagu Xukumay Dil Toogasha ah