Home Wararka Maanta Masjid lagu Muransanaa Mudo 8 Sano ah oo Heshiis laga gaaray Magaalada...

Masjid lagu Muransanaa Mudo 8 Sano ah oo Heshiis laga gaaray Magaalada Muqdisho

0

Masjidka Khadar oo kuyaala degmada Howlwadaag ee G.Banaadir oo muddo 8 sano ah uu ka taagnaa is qabqabsi u dhaxeeyay maamulka iyo cidii waqaftay masjidkaasi ayaa ugu dambeeyn lagu guuleystay in la xaliyo.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha islaamka ee Soomaaliya, Hay’addaha Garsoorka iyo Bulshada Degmada ayaa dadaal dheer kadib waxaa maamulkii Masjidka gacantoodi dib loogu celiyay Qoyskii horey u waqafay sida ay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda ay warbaahinta u sheegeen Salaadii Jimcaha kadib.

Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Aadan oo kamid ah Qoyska masjidkaan waqafay ayaa sheegay in mudadii uu muranka kujiray masjidkaan oo gaaraya ilaa 8 sano uusan gacantiisa soo saarin, waxaana uu soo dhoweeyay go’aanka Wasaaradda iyo Maxkamadda G.Banaadir.

Bulsho badan ayaa shalay masjidka oo in muddo u xirnaa muranka maamulka iyo dadkii waqfay u dhaxeeyay ugu dambeeyn ku oogay salaadii Jimcaha iyo salaadihii kale ka dambeeyay, waxaana si weyn u soo dhoweeyay waxgaradkii Degmda ee arintaan xalka u raadinayay.

Is qabqabsiga masaajidda ee mararka qaar dhex mara dadka waqfay iyo maamulka gacanta ku haaya masaajida ayaa dhowr jeer kusoo laalabtay maqalkoodi Bulshada caasimadda ku nool, qaar kamid ah mashaaiqda Soomaaliyeedna waxa ay dhowr jeer ka digeen in beytka alle muran lagaliyo.

Ad
Previous articlePuntland oo ku Dhawaaqday inay lacag Samaysanayso Xili Dowlada Soomaaliya Lacagta Masuul ka Tahay
Next articleCiidamada Daraawiishta Koonfurgalbeed oon 24saac u qabtay Laftagareen