Home Wararka Maanta Mashruuc Dadka Muqdisho Dagan Ka Farxiyay oo Maantay La Daahfuray

Mashruuc Dadka Muqdisho Dagan Ka Farxiyay oo Maantay La Daahfuray

0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jamaac ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ka daahfuray Mashruuca Nagaad ee Hirgelinta Naqshadeynta Bulaacadaha iyo Biya-mareenada Magaalada Muqdisho. Waxa uuna sheegay in heer Qaran oo si wadajir ah la isaga kaashan doonno sidii xal-waara loogu heli lahaa arrimaha bulaacadaha iyo biyo-mareenada Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay sanadkaan 2024 Hortabin u leedahay xal-u-helida iyo maareynta Biyo-mareenada Magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in sida ugu wanaagsan loogu faa’ideysan doonno Mashruuca Nagaad oo ay maalgelineyso Bangiga Aduunka (World Bank).

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale oo madasha ka hadlay ayaa dhankooda xusay in si wadajir ah la isaga kaashan doonno dar-dargelinta howlaha Naqshadeynta iyo dhismaha Biyo-mareenada Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Agaasimaha Hey’adda UNOPS u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Al’aa, Madaxda Hey’adda Hydro Nova, Maamulaha Guud ee Mashruuca Nagaad Md. Maxamed Nuur Xasan, Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliya, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale.

 

Ad
Previous articleQoor Qoor iyo Deni oo Ka Hadlay Dagaalada lagu Hoobtay ee Wali Kasocda Gobalka Mudug
Next articleWararkii Ugu danbeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Beelaha Sacad iyo Laylkase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here