Home Wararka Maanta Masar oo soo dhoweeysay wadatashiga nabadeed ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya

Masar oo soo dhoweeysay wadatashiga nabadeed ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya

0

Dowladda Masar ayaa soo dhaweeysay hindisaha uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan Shirka wadatashiga qaran iyo in la sameeyo gogol ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa xaqiijisay in Masar ay ka go’an tahay sii wadida taageerada dadaallada dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan xaqiijinta amniga, xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Masar ayaa markale waxa ay ku celisay inay taageerayaan midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Masar ayaa bogaadisay dadaallada socda ee ay wadaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, waxayna caddeysay inay ka go’an tahay inay taageerto dhammaan dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in labaatan waddan oo saxiibadda Soomaaliya ah ay war ay soo saareen kusoo dhoweeyeen shirka wadatashiga Qaran ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMaamulka Somaliland oo Dowlada Mareykanka kala hadashey in la baajiyo Safarka Raisal Wasaare Xamze bare
Next articleDalalka Soomaaliya iyo Aljeeriya oo codsaday fadhi deg deg uu Golaha amaanka ka yeesho Duqeymaha Israa’iil ee Suuriya