Wasiirka Arrimaha Dibadda, Masar ee Dr. Badr Abdel Aaty, ayaa maanta sheegay in Soomaaliya ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo gaar ah, isaga oo ku tilmaamay “tiir-dhexaad ka mid ah amniga qaranka Masar, Carabta iyo Afrika”.
Hadalkan ayuu ka jeediyay madal dood ah oo ciwaankeedu ahaa dowladnimo ka hanaqaada Soomaaliya: Istaraatiijiyado isku dubbaridan oo lagu ilaalinayo horumarka la gaaray”, taas oo lagu qabtay Madasha Doha.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay wajaheeyso caqabado isbiirsaday oo u baahan qorshe mideysan iyo iskaashi caalami ah, si loo sii xoojiyo guulaha la gaaray.
Wuxuu tilmaamay in ay jiraan dhinacyo isku dayaya inay u beddelaan Gobolka Badda Cas goob tartan siyaasadeed oo khatar gelin karta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Dr. Abdel Aaty ayaa sharaxay in siyaasadda Masar ee ku wajahan Soomaaliya ay ku dhisan tahay dhowr mabda’ oo ay ugu muhiimsan yihiin, taageeridda midnimada dhuleed ee Soomaaliya, diidmada talaabo kasta oo lagu beddeli karo xaqiiqda dhulka, iyo ka qaybqaadashada dhismaha hay’adaha dowliga ah ee awoodda u yeesha sugidda amniga, ka hortagga argagixisada iyo ilaalinta sharciyadda.
Wuxuu si gaar ah u xusay kaalinta Masar ee dhanka tababarrada, waxbarashada iyo horumarinta aqoonta, isaga oo carrabka ku adkeeyay in boqolaal shaqaale Soomaaliyeed ay ka faa’iideysteen barnaamijyada ay bixiyaan hay’adaha Masar sida Al-Azhar, jaamacadaha dalka iyo Machadka Qaahira ee Xallinta Khilaafaadka.
Isagoo sii hadlaya ayuu ka digay caqabadaha cusub ee dalka ka jira, oo uu ku sheegay argagaxisada iyo duruufaha adag ee la socda marxaladda dhismaha dowladnimada.
Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay muhiimadda ay leedahay Baahinta Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya, isagoo sheegay in ka qeyb-qaadashada Masar ay muujineyso masuuliyad istaraatiiji ah oo ay ka leedahay badbaadada gobolka.
Wuxuu uga digay beesha caalamka hoos u dhaca joogtada ah ee ku yimid maalgelinta howlgalka.
Ugu dambayn, Dr. Abdel Aaty ayaa ku baaqay in la helo maalgelin joogto ah oo ku filan Howlgalka AUSSOM si ay u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay u taageerto ciidamada Soomaaliya inta lagu jiro marxaladda kala guurka.



