Masar ayaa Axaddii si adag u diidday qorshaha barakicinta qasabka ah ee shacabka Falastiin, kaddib markii madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu soo jeediyay qorshe lagu “nadiifinayo” Marinka Gaza, dadka ku noolna loo rarayo dalalka Masar iyo Urdun.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay “sii wadayso taageerada ay u hayso adkaysiga iyo halganka shacabka Falastiin ee dhulkooda”.
Bayaanka ayaa lagu yiri “Masar waxay diiddan tahay ku xad-gudub kasta oo lagu sameeyo xuquuqdaas aan laga gorgortami karin, ha ahaato mid deegaamayn lagu samaynayo dhulka, dhul boob ah, ama in dadka asal ahaanba dhulkaas u dhashay laga qasbo inay ka baxaan, iyadoo la adeegsanayo barakicin, dhiirrigelinta raritaan qasab ah, ama in Falastiiniyiinta laga rujiyo dhulkooda, ha ahaato si ku-meel-gaar ah ama mid joogto ahba”.
Trump, oo hadlayay kaddib 15 bilood oo dagaal ah, ayaa sheegay in Gaza ay isku beddeshay “goob burbur”, wuxuuna yiri “waxaan jeclaan lahaa in Masar ay qaabisho dadka, sidoo kale Urdun ay iyana qaabisho qaar.”
Waxa uu intaa ku daray in dadka ku nool Gaza loo rari karo “si ku-meel-gaar ah ama si joogto ah.”
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas bishii October ee sanadkii 2023-kii, labada dal ee deriska la ah Falastiin ayaa si isdaba joog ah uga digayay qorshayaal lagu doonayo in Falastiiniyiinta Gaza looga raro Masar, halka kuwa Daanta Galbeedna loo masaafurinayo Urdun.
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa isna ku raacay hadalka Masar, wuxuuna Axaddii sheegay in “barakicinta qasabka ah iyo ka erinta dadka dhulkooda hooyo ay tahay isir sifayn.”
“Tallaabooyinkii hore ee lagu doonayay in shacabka Falastiin looga rujiyo dhulkooda, ha ahaato barakicin, dhul boob ama deegaamayn ballaarin, waxaa la xaqiijiyay inay fashilmeen,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay urur goboleedka.
Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, oo Trump sheegay inuu la hadli doono Axaddii, ayaa marar badan ka digay in barakicintani ay ujeedkeedu tahay “in meesha laga saaro himilada iyo qaddiyadda dowladnimada Falastiin.”
Al-Sisi ayaa qorshahan ku tilmaamay “khad cas” oo khatar weyn ku ah amniga qaranka ee Masar.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa Axaddii ugu baaqday dhinacyada ay khusayso inay dhaqan geliyaan “xalka labada dowladood,” kaas oo Qaahira ay sheegtay in ay noqon doonto mid aan suuragal ahayn haddii Falastiiniyiinta laga saaro dhulalkooda.