Home Wararka Maanta Masar oo billowday inay dhisto howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya ka hor inta...

Masar oo billowday inay dhisto howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin Bixitaanka ATMIS

0

Masar ayaa billowday inay dhisto howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin 31-ka December markaasi oo ku beegan xilliga ay dowladda Soomaaliya u qabatay in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo.

Qaahira waxa ay sidoo kale tababareysaa oo ay taageeraysaa ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Masar iyo Soomaaliya, oo xubno ka wada ah Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay magaalada Qaahira, ayaa bishii August kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca milateriga ah. Masar ayaa tan iyo markaas u soo dirtay Muqdisho hub, la-taliyayaal ciidan, tababarayaal iyo kumaandooska la-dagaalanka argagixisada.

Kumanaan ka tirsan ciidamada Masar ayaa la filayaa in ay ku lug yeeshaan howlgalka milatari dhammaadka sanadka, sida ay sheegeen ilo-wareedyada. Itoobiya ayaa la rumeysan yahay inay Soomaaliya ka joogaan ilaa 22,000 oo askari.

Ciidamada Itoobiyaanka waxay dalka ku joogaan heshiisyo laba geesood ah, halka qayb kale ay ku joogaan in ay ka mid ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Masar ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay badasho ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiya dhamaadka sanadkan, iyadoo Soomaaliya ay si cad u taageertay.

Qaar ka mid ah ciidamada Soomaalida oo ay taageerayaan la-taliyayaal Masaari ah, ayaa ilo-wareedyadu sheegeen, in mar hore loo diray marinnada saadka ciidamada Itoobiya, si ay uga hortagaan, haddii loo baahdo, isku day kasta oo Addis Ababa ay ku doonayso inay ciidamo dheeraad ah ugu soo dirto dalka ka hor inta aan la gaarin wakhtiga kama dambaysta ah ee bixitaanka.

Ilo wareedyada ayaa shaaciyey in Itoobiya ay kordhisay ciidamadeeda Soomaaliya oo ay ku dartay 7,000, kana dhigtay 22,000 oo askari maalmo kadib markii ay Masar billowday inay hub iyo ciidan u dirto Soomaaliya.

Waxay sidoo kale si dadban u dhaleeceysay doorka milateri ee Masar ay ku leedahay Soomaaliya.

Madaxweynaha Itoobiya Taye Atske Selassie, oo xilligaas ahaa wasiirka arrimaha dibadda, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in hubka “xoogagga dibadda ay uga sii dari doonto ammaanka jilicsan [Soomaaliya] oo uu ku danbeyn doono gacanta argagixisada”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Itoobiya, isaga oo ula jeeday Al-Shabab.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka jawaabaya hadalkaas ayaa yiri: “Sababta Itoobiya ku qasabtay hadalladan sumcad-xumada ah waa isku day ay ku doonayso in ay ku qariso hubka sharci darrada ah ee laga soo geliyo xudduudaha Soomaaliya, kaas oo gacanta u gala shacabka iyo argagixisada.”

Ad
Previous articleShirkii Golaha Wadatashi Qaran oo Maantay Warmurtiyeed Laga Soo saraayo iyo Axmed Madoobe oo…..
Next articleWiil iyo Aabihiis oo aano Qabiil loogu Dilay Hal Goob Galmudug