Home Wararka Maanta Masar Ma Ayadaa Dalbatay inay Soomaaliya Ciidan Usoo Dirto Mise Waa Laga...

Masar Ma Ayadaa Dalbatay inay Soomaaliya Ciidan Usoo Dirto Mise Waa Laga Dalbaday?

0

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Masar ay dalbatay inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya, maadaama uu socdo qorshe lagu diyaarinayo howlgalka 3-aad ee bedelaya ciidamada ATMIS oo dalka joogay in ka badan 10 sano.

La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo maanta u waramay SNTV ayaa xaqiijiyey in Masar ay soo gudbisay codsigaas, balse go’aanka aqbalaada laga sugayo dowladda Soomaaliya.

“Masar iyo Jabuuti waxay kulankii Midowga Afrika ay uga tashanayeen qorsheynta howlgalka cusub uga dhawaaqeen inay diyaar u yihiin inay ka qeyb noqdaan oo Soomaaliya ciidamo u soo doraan, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa go’aan ka gaareysa wadamada ay ciidamadu ka imaa doonaan,” ayuu yiri Xuseen Macalin Maxamuud.

Howlgalkaas ayaa Soomaaliya ka bilaabanaya horaanta sanadka 2025-ka, waxaana go’aankiisa loo daba fariisa doonaa dowladda Soomaaliya, sida la rijeynayo wax badan ayuu uga duwanaa doonaa kan hadda shaqeeya ee ATMIS.

La-taliyaha amniga qaranka wuxuu sheegay in howlgalkaas waqti cayiman aan loo qaban, balse uu socon doono ugu badnaan shan sano, markii ay dalbato dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in lasoo gabagabeynayo.

Sidoo kale waxaa intii hore ka yaraa doona ciidamada ka qeyb qaada doona howlgalkaas, waxaana la qorsheeyey in 10,000 (toban kun) aysan ka badan.

La-taliyaha amniga qaranka wuxuu wareysigaan ku sheegay in ciidankaas ay u howlgeli doonaan si ka duwan ATMIS.

Waxay tegi doonaan furimaha dagaalka, waxayna la howlgeli doonaan ciidamada qaranka, iyagoo saldhigyo ka sameysa doona deegaanada fog fog ee looga baahanyahay ciidamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineysa ciidamo Soomaali ah oo la howlgeli doona ciidamadaas cusub ee ka socda dalalka shisheeye, kuwaas oo hagi doona howlgalka.

“Markii la ansixiyo go’aanka ay ciidamadaas uga howlgelayaan Soomaaliya, waxaan si gaar gaar ah heshiisyo ula geli doonaa dowladaha ay ciidamadaasi ka socdaan,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud.

Ad
Previous articleQodobada Xasaasiga ah ee Ku jira Sharciga Doorashooyinka ee Maantay Wasiiradu ansixiyeen
Next articleCabsi la soo daristay dadka magaalada Xayfa ee Israa’il iyadoo laga cabsi qabo dagaalka Israa’iil iyo….