Home Wararka Maanta Masar iyo Maraykanka oo Dhabarka u jeediyay Itoobiya Taageerayna Soomaaliya

Masar iyo Maraykanka oo Dhabarka u jeediyay Itoobiya Taageerayna Soomaaliya

0

Dowladaha Mareykanka iyo Masar ayaa markale taageero xooggan u muujiyay Soomaaliya oo ay haatan si weyn isku hayaan dowladda Itoobiya.

Mareykanka iyo Masar ayaa xaqiijiyay taageerada madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo ka horyimid damaca guracan ee xukuumadda Addis Ababa ay dooneyso inay ku qaadato qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

“Mareykanka iyo Masar waxa ay ka soo horjeedaan xad-gudubka iyo damaca dhuleed ee Itoobiya,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah shir jaraa’id oo si wadajir ah magaalada Qaahira ay ugu qabteen wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty iyo xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka Antony J. Blinken.

Dowladsa Mareykanka ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhowaaqday in aysan aqoonsan doonin heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland, iyadoo ku baaqday in xal diblomaasi laga gaaro xiisadda Addis-Ababa iyo Muqdisho.

Hehsiiska is-afgaradka, oo Itoobiya marin u siinaya xeebaha Badda Cas ee Somaliland, ayaa ka caraysiiyey dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madax-banaanideeda.

Mawqifka Maraykanka ayaa waxaa muujiyay danjirahooda Soomaaliya Richard Riley, wuxuuna shaaciyey dadaallo dhex dhexaadin ah oo xaaladda loogu qaboojinayo hab diblomaasiyadeed.

“Aad ayaan uga warqabnaa, waxaana si wada jir ah uga shaqeyneynaa in aan xaqiijino in xal diblomaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta,” ayuu yiri Riley, oo wareysi lagula yeeshay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa xaalad nasiib darro ah, aadna u abuuraysa khalkhal, kana bilaabantay is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaana isku dayeynaa in aan ku xalino dariiqo diblomaasiyadeed.”

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya kasii dartay, ayada oo uu baaqday wareegii 3-aad ee shirka lagu dhex-dhexaadinayo dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya, kaasi oo la filayay in maanta uu ka furmo magaalada Ankara.

Si rasmi ah loma ogga sababta shirkaasi oo Turkiga dhex-dhexaadinayo uu u baaqday, laakiin fallan-qeeyayaasha ayaa sheegaya in iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Masar oo Addis Ababa ay ka xanaaqday uu labada dhinac sii kala fogeeyay.

Sidoo kale Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa hadallo xanaf leh hawada isku marinayay maalmahan, kuwaas oo qeyb ka ah sii kala fogaanshaha labada dhinac iyo in xiisadda kasii darto.

Ad
Previous articleXukunka Dil ka dhashay muran ay sababeen Kaararka Barakacayaasha ee DegmadabXarardheere
Next articleGudoomiyayaasha Labada Aqal oo Kulan Xasaasi ah yeeshay iyo Baarlamaanka ansixin Doona…