Home Wararka Maanta Markii uu Madaxweyne Farmaajo baxay ayuu suuqa Soomaaliya naga xirmay oo aan...

Markii uu Madaxweyne Farmaajo baxay ayuu suuqa Soomaaliya naga xirmay oo aan lacag Badan Ka Heli Jirnay

0

Beeralayda iyo ganacsatada qaadka ee ku nool magaalada Harar ee gobolka Oromia ee dalka Itoobiya, waxay ka cabanayaan in lagu qasbayo in ay ka baxaan suuqa dhoofinta jaadka, xilli ay dowladdu soo gashay suuqa wax dhoofinta, iyadoo adeegsanaysa hay’adaheeda.

Ganacsatadaas oo la hadashay wargeyska Addis Standard ayaa sheegay in iskaashatadii ganacsi ee ku bahoobay urur la yiraahdo Biftu Baha Oromia laba sannadood kahor si xeeladaysan suuqa looga saarayo, madaama lagu suntay inay yihiin dad sharci-darro ku jooga suuqa. Dowladda ayaana suuqa la timid shaqsiyaad iyada ka socda.

Ganacsatadaas oo isku dayaysay inay qaadka u dhoofiso Soomaaliya, kaddib markii duullimaadyada dib loo bilaabay, lana qaaday xayiraaddii Covid-19, waxaa caqabad kale oo xanibaad ah ku noqotay ganacsato la baxday Surah, kuwaas oo dhanka Somaliland qaadka u dhoofin jiray sanado badan.

“Markii hore beeraleydu ma lahayn wax doorasho ah, waxayna wax soo saarkooda qiimo hooseeya kaga iibin jireen ganacsato awood badan, kuwaas oo dalka dibaddiisa u dhoofiya, kuna iibsada qiimo aad u sarreeya. Waxaan suuqa usoo galnay inaan wax u ceyminno – oo aan caawinno, si wax soo saarkooda ay macaash fiican uga helaan,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada.

“Waxaan aadnay Soomaaliya – innaga oo la hadalnay madaxweyne Farmaajo. Wuxuuna naga aqbalay inaan qaadka Itoobiya u dhoofino Soomaaliya. Waxaan ka helnay macmiil fara badan oo nala shaqeysata. Laakiin markii uu Farmaajo baxay waa naga xirmay suuqa Soomaaliya, fasax kama helin dowladda hadda jirta [Dowladda Xasan Sheekh], kaddib markii koowaad oo ay macmiisheennu noo soo direen lacag dhan $400,000, si aan qaad ugu soo beddelno. Qolyaha Surah la baxay waxay bilaabeen inay na hor istaagaan,” ayuu ganacsadahaas hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in markii ay caqabadaasi qabsatay ay lasoo xiriireen dowladda Soomaaliya oo cabasho ay u soo gudbisteen. “Laakiin waxay noo sheegeen in kaliya ganacsatada Somaliland oo la yiraahdo Surah ay qaadka keeni karaan Soomaaliya oo ay qasab tahay inay la shaqeeyaan. Waxaa qasab nagu noqotay inaan soo saarno qaadka, madaama ay iyagu yihiin kuwo qura oo maamulaya dhoofintiisa,” ayuu yiri ganacsadahaas Oromada ah.

 

 

 

 

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleSacuudi oo Hanjabaad u Diray Maraykanka
Next articleXafiiska Hay’adda CIA-da Maraykanka ee dalka Turkiga oo si cad ugu hanjabay ganacsatada dalkaas