Home Wararka Somaliya Galmudug Markabkii Shidaalka Kasoo Saari lahaa Hobyo oo Muqdisho Soo Gaaray

Markabkii Shidaalka Kasoo Saari lahaa Hobyo oo Muqdisho Soo Gaaray

0

Markabka sahminta shidaalka ee dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Markabkan oo lagu magacaabo Oruç Reis ayaa soo istaagay dekedda magaalada Muqdisho, halkaasi oo haatan ay ka socoto munaasabad lagu soo dhaweynayo markabkan oo bilaabi doona howl-galka shidaal baarista ee Soomaaliya.

Madax kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galeysa munaasabada soo dhaweynta markabkan oo ah mid taariikhi ah.

Markabkaan Oruç Reis ayaa horraantii bishan xeebaha Turkiga waxaa ka soo sabootiyey madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo wasiirka batroolka XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Markabkan ayaa Soomaaliya wuxuu ka fulinayaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15000 KM2 Square.

Sidoo kale wuxuu howl-galkiisu qaadan doonaa qiyaastii toddoba bilood, si uu sahmin uga sameeyo Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sameyn doonaan xog uruurin ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, taas oo hagi doonto howlaha qodista ee mustaqbalka shidaalka Soomaaliya.

Markabka Oruç Reis oo dhererkiisu yahay 87 mitir iyo ballaciisu yahay 23 mitir ayaa loo aqoonsaday inuu yahay hanti muhiim ah oo kamid ah dadaallada sahminta badda ee Turkiga.

Tallaabadan ayaa ka dambeysa kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar, kaas oo la xiriiray shidaal baarista iyo soo saarista, wuxuuna u fasaxayaa shirkadda Turkish Petroleum helista shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya.

Ad
Previous articleWasiir Fiqi oo Durbadiiba Ka Jawaabay eed uga Timid Shacabka Muqdisho
Next articleWar Deg Deg ah:Israil oo Saakay Weerar Culus ku Qaaday Iiraan