Home Wararka Maanta Markabkii Shidaalka ka Qodi lahaa Soomaaliya oo Soo Wajahan iyo Xiliga U...

Markabkii Shidaalka ka Qodi lahaa Soomaaliya oo Soo Wajahan iyo Xiliga U imanaayo

0

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyey halka uu marayo qorshaha sahminta iyo soo saaridda shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in gudaha bisha dhalaneysa ee September uu dalka soo gelayo Markabkii Turkiga ee sahminta ku bilaabi lahaa shidaalka Soomaaliya, kaas oo sahmin kadib bilaabi doona qodista shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka Cabdirisaaq oo ka qeybgalay kulankii bandhigga waxqabadka xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey fursadaha Soomaalida ugu jira heshiiskii ay la gashay Turkiga, hadii uu dhaqan-galo.

“Dadka ugu horeeya ee heshiiskaas ka faa’iideysanaya waa dhalinyarada Soomaaliyeed oo shaqo abuur ka heli doona shidaalka dalka laga qodayo. Lacagaha ka soo xaroonaya waxay noqo doonaan kuwo lagu dhiso kaabayaasha dhaqaalaha dalka, dalalka ugu horeeya dhaqaalaha dunida ayaan ka mid noqo doonaa,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq Cumar.

Heshiiskaan rajada ku abuuray dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa Ankara lagu kala saxiixday 18-kii July 2024, waxaana lagu wadaa inuu dhaqan galo inta lagu guda jiro bilaha ugu dambeeya sanadkaan 2024-ka.

“Dhamaadka bishaan September waxaa dalka imaanaya Markabkii sahminta shidaalka ka bilaabi lahaa badda Soomaaliya, labo ilaa saddex bilood ayey Markabkaas ku qaadaneysaa baarista Shidaalka, kadibna waxaan rajeyneynaa in bilowga sanadka 2025-ka uu dalka ka bilowdo qodista shidaalka,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay markii ugu horeysay ku biireyso Hay’adda caalamiga ah ee Atoomikada ama Nukkeyrka Adduunka, taas oo horay dalalka caalamka ay ugu wada biireen, markii laba reebo afar dal oo Soomaaliya ay ku jirto.

Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan heshiisyo badan oo Soomaaliya ay la gashay Caalamka, sidoo kale wuxuu sheegay in dhowaan ay wasaaraddiisu horgeynto golaha wasiirrada sharciga Macdanta Soomaaliya, kaasi oo ka madax badnaan sharciga Batroolka oo hadda heshiisyo waaweyn oo kan Turkigu ku jiro lagu galay.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleWar Deg Deg Ah:Qoor Qoor oo Xilka Ka Qaaday Gudoomiyihii Xarardheere iyo Gudoomiyihii Hore oo Diiday Xilka Qaadistaas
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Baydhabo oo lagu Qaaday Weerar Qaraxyo ah