Home Wararka Maanta Markab Dagaal Oo Difaacaaya Bada Soomaaliya oo Soo Dhaqaaqay

Markab Dagaal Oo Difaacaaya Bada Soomaaliya oo Soo Dhaqaaqay

0

Maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ayaa ku soo wajahan biyaha Soomaaliya, tan oo qeyb ka ah heshiiskii difaac ee labada dal ay qalinka ku duugeen.

Maraakiibta dagaal ayaa biyaha Soomaaliya ka ilaalin doonaan cadowga ku soo xad-gudba xeebaha, kalluumaysiga sharci-daradda, sunta lagu soo shubo iyo wixii la mid ah. Sidoo kale Turkiga ayaa ciidamo badeed u dhisaya dowladda Soomaaliya, sida uu qabo heshiiska iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhamaadka bisha September ama bilowga October uu Turkiga usoo diro xeebaha Soomaaliya markab kale oo shidaal baaraya oo saddex balook oo badda dhexdeeda ah loo malaynayaa in gaas iyo saliid ay dhex ceegaagaan.

Shaqadan ayaa waxaa loo xil-saarya shirkad dowladda Turkiga leedahay ee TPAO, taas oo qabaneysa baarista iyo soo saarka shidaalka Soomaaliya, iyadoo taasi muujineyso sida Turkiga uga go’an tahay inuu Soomaaliya kaalmo waaweyn ka qaato siiba dhinacyada dhaqaale kabis, dhisid ciidan oo cudud xooggan leh iyo abuurid ilo dhaqaale oo cusub.

Waxaa kale oo xusid mudan in Turkiga shirkado laga leeyahay ay haatanba maamulaan garoonka diyaaradaha Adan Cadde iyo dekedda oo ah illaha dhaqaalaha ugu weyn dalka, iyadoo dhanka militeriga ay dowladda Turkiga tababarto ciidamo booliska iyo militeriga ka tirsan iyo kuwa cirka, taasi oo qeyb uga qaadaneyso dib u dhiska ciidanka qaranka oo lagu wado inay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ATMIS marka la gaaro bisha December ee sanadkan.

Dabayaaqada sanadkaan ayaa lagu wadaa in la soo saaro shidaalkii ugu horreeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaasi oo la filayo in uu noqdo maaddada ceeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan, sida uu kal hore sheegay wasiirka batroolka iyo macdanta ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale rajeynaysa in shidaal qodista la bilaabo horraanta sanadka 2025-ka, sida uu sheegay wasiirka batroolka, iyada oo dowladda federaalka ay tallaabooyin dhowr ah u qaaday in laga faa’iideysto khayraadka shidaalka, waxayna heshiis arrinkaas ku saabsan la gashay dowladda Turkiga.

Ciidanka Puntland oo lagu weeraray buuralayda Xabley ee Gobolka Bari

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib weerar ay xalay kooxda Daacish kusoo qaadday deegaanka Xabley ee degmada

Ciidanka Ahlu-suna oo dib loo dhisayo si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al shabaab

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay jirto dib u howlgalinta ciidamadii Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ka xoreeyay Al shabaab kuwaasi oo kusoo

Caalamka:- Dibad -baxyo xoogan oo ruxay Gobolo ka tirsan Dalka Turkiga

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb qaatay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga

Ku Dhawaad 145 Somali ku Xirneyd Libiya oo dib loogu soo Celiyay dalkooda

145 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, kadib muddo sanad ah oo ay xabsiyada Libya ku jireen. Muwaadiniintan, oo

Falastiin oo ka hortimid Qorshe Shacabkeeda loogu soo raro Somaliya

Lataliyaha Madaxweynaha Falastiin Dr. Riyad Malki ayaa ku gacan seyray qorshaha madaxweyne Donald Trump ee ah in Falastiiniyiinta laga raro Qaza loona wareejiyo dalalka Carabta ee Bariga Afrika, sida Suudaan,
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Hanjabaad Culus u dirtay Cali Dheere
Next articleAlshabaab oo Weero Culus Ku Bilaabay Ciidamada ATMIS iyo Dagaal Culus oo Xalay Dhacay