Maraykanka ayaa dacwad ku soo oogay hoggaamiyaha ururka Xamaas, Yaxye Sinwar iyo xubno kale oo ka tirsan ururkaas, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarkii kooxdu ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023-kii.
Waaxda cadaaladda ee dalka Mareykanka ayaa lix xubnood oo ka tirsan Xamaas ku soo oogtay 7 eedeymo, oo ay ku jiraan dil dad Amerikaan ah, shirqool lagu taageerayo falalka argagixisanimo, iyo adeegsiga hubka wax gumaada.
Tani waa tillaabadii ugu horeysay oo ay qaadaan saraakiisha Mareykanka sibaa la yiri ay ula xisaabtamaan ciddii ka dambeysay weerarkaas , inkastoo saddex ka mid ah eedaysanayaasha ay dhinteen, halka Yaxye Sinwaar uu hadda yahay madax siyaasadda ee kooxda, xilkaas oo uu horey u hayay Ismaaciil Haniyaha oo dhawaan lagu dilay dalka Iran.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka