Home Wararka Maanta Mareykanka oo xoojinaya joogitaankiisa Milateri ee Somalia ka dib arrin soo korortay

Mareykanka oo xoojinaya joogitaankiisa Milateri ee Somalia ka dib arrin soo korortay

0

Mareykanka waxaa laga yaabaa inuu sare u qaado joogitaankiisa militari ee gudaha Soomaaliya, sababo la xiriira horumarada ay sameynayaan kooxda Daacish, sida laga soo xigtay taliyaha howlgalka Mareykanka ee Afrika, Jen. Michael Langley

Taliyaha ayaa hadalkan ka jeediyay kulan looga hadlay ammaanka oo ka dhacay dalka Botswana.

“Waxaan sii wadaynaa xoojinta joogitaankeena Somalia, annaga oo qiimeynaya waxa Daacishta Soomaaliya ay ilaa hadda sameyneyso.” ayuu yiri Taliyaha

Hadalkan ayuu sheegay lix maalin kaddib markii sarkaalkan uu aagga la ilaaliyo ee Xalane oo ku yaalla Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Xassan iyo Wasiirkiisa Gaashaandhigga.

Ad