Waxaa xalay fiidkii magaalada Kampala ee daLKA Uganda lagu soo gabagabeeyay shir-madaxeedkii 42-aad ee madaxda urur goboleedka IGAD. Shirkaas ayaa looga hadlayay xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidoo kale colaadda dalka Sudan.
Dhanka kale, shirkaas waxaa ka qeyb galay saraakiil sarsare oo kala kala socota caalamka waxaana ka mid ahaa Mareykanka oo si adag uga hadlay xiisadda cirka isku sii shareereysa ee Soomaaiya iyo Itoobiya. Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay in heshiiska is afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland ay al-shabaab ka dhigeyso marmarsiiyo ay ku heleyso dagaalamayaal cusub. Waakan Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka ee Geeska Africa Mike Hammer oo hadaladaas jeediyay.
Ad