Home Wararka Maanta Mareykanka Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ciidamadiisa Kala Baxayo Niger

Mareykanka Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ciidamadiisa Kala Baxayo Niger

0

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay Isniintii in Maraykanku uu wadahadal la furay xukuumadda milateriga ah ee ka talisa dalka Niger, isaga oo kala hadlaya go’aankooda ku aaddan, bixitaanka ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalkaas.

Bishii hore ayaa saraakiisha milateriga ee dalka Niger waxay ku dhawaaqeen inay soo afjarayaan heshiiskii u dhexeeyey Maraykanka iyo Niger, waxaana la sheegayaa in saraakiisha difaaca ee Maraykanku inay toddobaadkii hore aqbaleen go’aanka Niger ee ah, in ciidamada Maraykanku ay baxaan.

Isniintii afhayeen u hadlay Pentagon-ka Maraykanka, ayaa xaqiijiyey inay socdaan wadahadalo u dhexeeya Maraykanka iyo Niger, kaas oo ku aaddan, hannaankii ay ciidamada Maraykanku uga soo bixi lahaayeen dalkaas,

General Pat Ryder oo u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa intaas ku daray, inay u dirayaan Niger wefti aad u kooban oo ay ku jiraan xubno ka tirsan taliska Maraykanka ee Afrika, si ay wadahadal ula yeeshaan saraakiisha milateri ee dalkaas xukuma.

Wuxuu sheegay inaanu ka hordhici doonin, xilliga ay ciidamada Maraykanku ka soo bixi doonaan iyo weliba in wax isbedeli haatan ku yimi tirada ciidamada ee ku sugan Niger

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMarkabkii Ugu Horeeyey ew Sugaaya Amaanka Xeebaha Soomaaliya oo Maantay Muqdisho Soo Garaaya
Next articleHay’adda SODMA Oo Ka Digtey Roob Daadad Wata Iyo Fatahaado