La taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa hadal kooban oo uu soo saaray ku xaqiijiyay in ku xigeenkii taliyaha guud ee guutada Al-Qassam – garabka militariga ee Xamaas, Marwan Ciise, lagu dilay weerar ay Israa’iil fulisay todobaadkii hore.
Xilli la rabay in dhimashada Ciise uu xaqiijiyo mid ka mid ah labada dhinac ee hawlgalka ku lugta leh, haddii ay tahay ciidamada Israa’iil ee weerarka fuliyay, ama dhaqdhaqaaqa Xamaas ee bartilmaameedka u ahaa, hadalka Sullivan ayaa loo arkaa kii ugu horreeyay ee habkaan ah.
Warbaahinta Israa’iil ayaa ku dhawaaqday sidoo kale dilka taliye ku-xigeenkii guud ee Al-Qassam.
Hadalka Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka ayaa yimid ka dib markii raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu u sheegay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden in Israa’iil ay ku guuleysatay inay disho kumannaan ka tirsan dagaalyahannada Xamaas oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal sare, “caddaaladuna ay gaari doonto inta kale”.
Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara”
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee