Home Wararka Caalamka Mareykanka oo ka carooday Dal Muslim ah oo hawada u diray...

Mareykanka oo ka carooday Dal Muslim ah oo hawada u diray dayax gacmeed

0

Iran ayaa sheegtay iney hawada u dirtay gantaal dayax gacmeed sida uu baahiyey Telefishanka qaranka dalkaas.

Lama shaacin xiliga iyo goobta gantaalka laga ganay, balse talaabadan ayaa timid ka dib makrii satellite-ka laga arkay diyaar garow laga sameynayey xarunta dayax gacmeedyada Khomeini ee ku taalla duleedka gobolka Semnan.

Dhowr gantaal oo isla goobtan laga ganay ayaa horay u burburay.

Warbaahinta dawladda ayaa sii daysay sawirro muujinaya markii gantaalku dhulka ka baxayey. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo xiisadda barnaamijka nuclearka ee Iran ay kor u sii kacayso.

Maraykanka oo isha ku haya Iran ayaa ka carooday talaabadan, iyadoo Arrintan ay imanayso ka hor wadahadalada la filayo oo laga yeelanayo barnaamijka nuclearka ee Iran iyo quwadaha caalamka.

Iran ayaa horay u sheegtay inay qorsheynayso tijaabooyin dheeraad ah oo la xiriira gantaalada dayax gacmeedka xambaara, kuwaasoo markii ugu horreysay ay dirtay bilowgii sanadkii hore inkastoo ay burbureen.

 

 

 

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo dhibaato Xoogan ka Gaystay Degaan ay Dhawaan Qabsadeen
Next articleGaari ay la socdeen wariyeyaal iyo askar oo qarax Culus lala eegtay