Home Wararka Maanta Mareykanka oo hanjabaad culus kasoo saaray dagaalka magaalada Laascaanood

Mareykanka oo hanjabaad culus kasoo saaray dagaalka magaalada Laascaanood

0

Danjiraha xafiiska kasii tegaya ee dowladda dalka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Larry André oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee Sool.

Larry André oo habjabaad culus soo saaray ayaa labada dhinac ku eedeeyay inay ka dhagaha fureysten baaqyadii nabadda ee ay horay ugu direen, si loo joojiyo dagaalka.

“Aniga saaxibada kale ee caalamka waxaan warsaxaafadeed kasoo saarnay durbadiiba markii uu billowday dagaalka, waxaan ku baaqnay in colaada la joojiyo miiska wadahadalka lagu xalliyo khilaafka” ayuu wareysigan ku yiri safiirka xilka kasii tegaya ee Larry André.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaan si toos ah ula hadlay hoggaamiyeyaasha Hargeysa, Laascaanood iyo Garoowe”.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay inay horay u caddeeyeen mowqifkooda, isla-markaana sii socosha dagaalkan ay ka dhalan cawaaqib xumo, sida uu hadalka u dhigay.

“Si cad ayaa u sheegnay halka aan ka taagnahay dagaalkaas, kadib wadahadalkii aan la yeeshay madaxweyne Biixi iyo qoraalkii aan soo dhigay baraha bulshada. Haddaba waxaan ku sheegayaa in sii socoshada dagaalkan ay ka dhalan karto cawaaqib dhanka sharciga ah oo dhankeena ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay safiirka waddanka Mareykanka.

Danjiraha ayaa sidoo kale ku goodiyay inuu Mareykanka tallaabo adag ka qaadayo dadka sii hurinayo colaadda, isla-markaana ay miiska u saaran tahay cunaqabateyn uu sheegay in lagu soo rogayo shaqsiyaadka ka dambeeyay dagaalka, balse ma shaacin magacyadooda.

“Go’aanadda noocaas waxaa gaara mas’uuliyiin sar sare oo ku sugan Washington, marka la gaaro go’aanadaas lama shaaciyo cidda la saaray cunaqabeynta, balse waxaa la shaaciyaa in aan qaadna tallaabadaas oo ah mid aan jecleyn, balse laga fursan waayay ” ayuu yiri.

Laacaanood ayaa waxaa tan horraantii bishii Febraayo ee sanadkan ka socdo dagaallo qaraar oo u dhexeeyo Somaliland iyo SSC, kuwaas oo sababay dhimshada boqolaal qof, dhaawac ka badan kun qof, barakac iyo burbur xoogan oo soo gaaray magaaladaasi.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoonaa Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleCiidmada Dowlada oo Howlgal Culus ka Sameeyey Degmooyinka Heliwaa Yaaqshid iyo Kaaraan iyo Hub lagu soo Qabtay
Next articleMashruuca dhismaha Wado isku xireysa Soomaaliya iyo Jabuuti oo la saxiixay (Sawirro)